{"id":1658,"date":"2024-12-10T07:09:59","date_gmt":"2024-12-10T07:09:59","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1658"},"modified":"2024-12-10T07:09:59","modified_gmt":"2024-12-10T07:09:59","slug":"ssc-khaatumo-oo-eedeyn-culus-ujeedisay-maamulka-puntland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1658","title":{"rendered":"SSC-Khaatumo oo eedeyn culus ujeedisay maamulka Puntland."},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 10 Dec 2024 {CBB}<\/strong>Maamulka SSC-khaatumo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay fara gelin uu sheegay in Puntland ku hayso degaannadooda.<\/p>\n<p>Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo ayaa ku eedaysay dowladda Puntland in ay fara gelin sharci-darro ah ku hayso degaannada Khaatumo islamarkaana carqalad ku waddo geeddi-socodka dhismaha Maamulkaasi.<\/p>\n<p>SSC-khaatumo waxay sheegtay in Puntland is hor-taag ku samaysay gargaarkii loo waday degaannada Khaatumo islamarkaana joojisay tallaalkii loo waday sidoo kalena warbixino aan sax ahayn oo ku saabsan SSC la wadaagtay hay\u2019adaha Caalamiga ah.<\/p>\n<p>Maamulka SSC-khaatumo ayaa sidoo kale dowladda Puntland ugu baaqay in ay ka waan-toobaan tallaabooyinka ay ku tilmaantay fara-gelinta ee ka dhanka ah degaannada SSC-khaatumo. Hoos ka aqriso bayaanka SSC-Khaatumo<\/p>\n<p>War-saxaafadeed<\/p>\n<p>6 February 2023, Shacabweynaha SSC-Khaatumo waxay gaadheen go\u2019aan ah inay dhistaan Maamul u gaar ah, kaas oo ka dhabeeya rabitaankooda, Maamulkaas oo Dawladda Federaalku si buuxda u aqoonsatay inuu matalo kana arrimiyo Sool, Sanaag iyo Ceyn. Go\u2019aan kaas oo ay soo dhaweeyeen Maamulka, waxgaradka iyo shacabweynaha Puntland waqtigii lagu dhawaaqay.<\/p>\n<p>Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si adag u cambaareynayaa faragalinta sharci-darrada ah ee Puntland ku hayso arrimaha gudaha ee deegaannada SSC-Khaatumo. Puntland oo umuuqanaysa inay isku dayayso carqaladeynta geeddi-socodka iyo horumarka ka hanaqaaday deegaanadan, qaar ka mida madaxda usaraysa Puntland waxay ku hawlanyihiin tallaabooyin baalmarsan go\u2019aamadii 6 February, kuwaas oo wax udhimaya wada dhalashada, daris wanaagga iyo iskaashi buuxa oo dhexmara labada Maamul.<br \/>\nWaxaa intaa dheer, Intii Maamulka SSC-Khaatumo la yagleelay Puntland waxay qaadday tallaabooyin ay ku curyaaminayso jiritaanka Maamulka SSC-Khaatumo, tallaabooyinkaas waxaa kamid ah:-<\/p>\n<p>Is-hortaag lagu sameeyay tallaalkii loo waday Maamulka SSC-Khaatumo.<br \/>\nSiyaasadayn &amp; hakin lagu sameeyay gargaarkii SSC-Khaatumo.<br \/>\nDacwayn &amp; cagajuglayn lagu sameeyay Hay\u2019adda Alight oo deegaannadan ka fulinaysa mashaariic waxtar u leh deegaanka.<br \/>\nIsku day xilal ay ka magacawdo deegaanka qaarkii sidii ay samaysay Wasaaradda Caafimadka Puntland.<br \/>\nWarbixinno aan sax ahayn oo Puntland la wadaagto hay\u2019adaha Caalamiga ah ee xaruntoodu tahay Nairobi.<br \/>\nPuntland waxay si aan gabbasho lahayn magacyada gobolladda Sool &amp; Cayn ugu soo dartay Ciyaaraha ka socda Puntland, iyagoo soo uruuriyay dad aan matelin ciyaartoyda ka soo jeeda SSC-Khaatumo. Goboladda iyo Degmooyinka SSC-Khaatumo qayb kama aha ciyaarahaa.<br \/>\nPuntland waxay si toos ah u carqaladeyneysaa dadaallada ay wadaan Maamulka SSC-Khaatumo si ay u dhisaan hore usocodka Maamulka oo ku saleysan rabitaanka shacabka deegaanka, taasoo ah xaq dastuuri ah.<\/p>\n<p>Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu ugu baaqayaa Puntland inay joojiso faragalinta iyo ficillada wax u dhimaya wadajirka iyo horumarka deegaanka SSC-Khaatumo.<\/p>\n<p>Maamulka SSC-Khaatumo isagoo ka duulaya siyaasad ku salaysan sidii lagu gaadhi lahaa iskaashi buuxa oo dhexmara labada Maamul waxa uu magacaabay guddiga wada-hadalka iyo iskaashiga SSC-Khaatumo iyo Puntland, nasiib darro halkii laga eegayay inay Puntland soo magacawdo guddi hawshaa uqaabilsan waxaa ay bilawday faragalin ka dhan ah Maamulka iyo Shacabka SSC-Khaatumo.<\/p>\n<p>Mar kale, waxaanu ugu baaqaynaa Dawladda Puntland inay ka waantowdo waxkastoo dhaawici karaya wada dhalashada iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada shacab.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/469873702_122128487138536478_3662435848435223489_n-212x300.webp\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 10 Dec 2024 {CBB}Maamulka SSC-khaatumo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay fara gelin uu sheegay in Puntland ku hayso degaannadooda. Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo ayaa ku eedaysay dowladda Puntland in ay fara gelin sharci-darro ah ku hayso degaannada Khaatumo islamarkaana carqalad ku waddo geeddi-socodka dhismaha Maamulkaasi. SSC-khaatumo waxay sheegtay in Puntland is hor-taag ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":1659,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1658","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1658","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1658"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1658\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1660,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1658\/revisions\/1660"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1659"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1658"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1658"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1658"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}