{"id":1837,"date":"2024-12-29T06:21:26","date_gmt":"2024-12-29T06:21:26","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1837"},"modified":"2024-12-30T06:25:30","modified_gmt":"2024-12-30T06:25:30","slug":"raiisul-wasaare-ku-xigeenka-xfs-waa-in-aan-ka-faaiidaysannaa-khayraadka-dalkeenna-iyo-xirfadaha-dadkeenna-si-aan-u-gaarno-horumar-waara","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1837","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS \u201cWaa in aan ka faa\u2019iidaysannaa khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara\u201d."},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 29 Dec 2024 {CBB}<\/strong>Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, si uu ugu kuurgalo hawlaha ay wasaaraddu u hayso dadka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay mas\u2019uuliyiinta wasaaradda, kuwaas oo uga warbixiyey adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u fidiyaan, gaar ahaan xannaanada xoolaha, ilaalinta dhirta, iyo horumarinta daaqa.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Sidoo kale, Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha wasaaradda lagu waafajiyo Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP), oo ahmiyad ballaaran siinaya \u00a0dadka Soomaaliyeed iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.<\/p>\n<p><em><strong>\u201cWaa in aan ka faa\u2019iidaysannaa khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara,\u201d<\/strong><\/em>\u00a0ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Saalax Jaamac ayaa xusay in Qorshaha Isbeddelka Qaran uu diiradda saarayo maalgelinta beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, \u00a0ayaa ku boorriyey mas\u2019uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, in ay sii xoojiyaan dadaalladooda, si loo xaqiijiyo himilooyinka Qorshaha Isbeddelka Qaran.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 29 Dec 2024 {CBB}Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, si uu ugu kuurgalo hawlaha ay wasaaraddu u hayso dadka Soomaaliyeed. Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay mas\u2019uuliyiinta wasaaradda, kuwaas oo uga warbixiyey adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":1838,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1837","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1837","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1837"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1837\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1839,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1837\/revisions\/1839"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1838"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1837"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1837"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1837"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}