{"id":1937,"date":"2025-01-12T06:39:51","date_gmt":"2025-01-12T06:39:51","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1937"},"modified":"2025-01-12T06:39:51","modified_gmt":"2025-01-12T06:39:51","slug":"maxay-ku-heshiiyeen-madaxweynaha-soomaaliya-raiisul-wasaaraha-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1937","title":{"rendered":"Maxay ku heshiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya &#038; Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 12` Jan 2025 {CBB} \u2014<\/strong>Magaalada Addis Ababa waxaa ka dhacay kulan dhexmaray Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud &amp; Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, labada mas\u2019uul ayaa ku heshiiyay dhowr qodob oo lagu xoojinayo iskaashiga Amniga, dhaqaalaha &amp; Ganacsiga.<\/p>\n<p>Sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka Madaxtooyada Soomaaliya kasoo saartay kulankaan, ugu horreyn waxaa sare loosoo qaadayaa xiriirka hoos u dhacay ee Labada Dal iyada oo loo marayo dib u hawlgelinta matalaadda diblumaasiyadeed ee labada Caasimadood.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p><strong><em>\u201cLabada hoggaamiye waxa ay yeesheen wada hadallo ballaaran oo ku qotoma danaha labada dal iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha gobalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal.\u201d<\/em><\/strong>\u00a0Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Villa Somalia<\/p>\n<p><strong><em>\u201cHoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud.\u201d<\/em><\/strong>\u00a0Ayaa lasii raaciyay Warsaxaafadeedka<\/p>\n<p>Muhiimadda Amniga ee labada Dal iyo la dagaalanka \u2018AS\u2019 ayaa lagu soo daray qodobada ay kawada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud &amp; Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxa ay isla garteen in ay iskaashadaan si xoogga loo saaro howlgallada ka dhanka ah waxa ay ugu yeereen \u2018Argagixisada\u2019<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWadahadallada waxaa kale oo xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Iyadoo laga maanka lagu hayo halista kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan gobalka, ayaa\u00a0 waxay labada hoggaamiye fareen hay\u2019adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wadashaqayntooda si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobalka.\u201d<\/em><\/strong>\u00a0Villa Somalia<\/p>\n<p><strong><em>\u201cMadaxda labada dal ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga dhanka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyaga oo isku raacay in la ballaariyo kaabayaasha fududaynaya arrimaha ganacsiga iyo guud ahaan baraaraha dhaqaalaha labada dal\u201d<\/em><\/strong>\u00a0ayaa lasii raaciyay Warsaxaafadeedkaan.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn waxaa Addis Ababa lagu go\u2019aamiyay in la sameeyo Guddi Farsamo oo hirgeliya heshiisyadii ay wadagaleen Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya iyada oo udub dhexaad uu wadahadalkaas u noqonaya heshiiskii Ankara 2024.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 12` Jan 2025 {CBB} \u2014Magaalada Addis Ababa waxaa ka dhacay kulan dhexmaray Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud &amp; Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, labada mas\u2019uul ayaa ku heshiiyay dhowr qodob oo lagu xoojinayo iskaashiga Amniga, dhaqaalaha &amp; Ganacsiga. Sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka Madaxtooyada Soomaaliya kasoo saartay kulankaan, ugu horreyn waxaa sare loosoo qaadayaa xiriirka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":1938,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1937","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1937","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1937"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1937\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1939,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1937\/revisions\/1939"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1938"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1937"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1937"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1937"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}