{"id":1944,"date":"2025-01-12T06:48:35","date_gmt":"2025-01-12T06:48:35","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1944"},"modified":"2025-01-12T06:48:35","modified_gmt":"2025-01-12T06:48:35","slug":"xildhibaano-ka-tirsan-baarlamaanka-oo-si-adag-uga-horyimid-boobka-lagu-haayo-dhulka-danta-guud","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1944","title":{"rendered":"Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo si adag uga horyimid boobka lagu haayo dhulka danta guud."},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 12` Jan 2025 {CBB} \u2014<\/strong><\/p>\n<p>Xildhibaanadaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saaray Warsaxafadeed ay kaga soo horjeedaan boob ay sheegeen in lagu haayo dhulka danta guud ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Mudanayaashaan labada Aqal oo tiradoodu gaareyso ilaa 97 Xildhibaan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in laga iibiyo dhulka danta guud ah oo ay ku eedeeyeen in madaxda dowladda boob ku hayaan.<\/p>\n<p>\u201cAnagoo ah Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah waxaan halkaan ku soo gudbineynaa in loo istaago Ilaalinta Hantida Danta Guud iyo u digidda dadka u fududeeya Villa Somalia boobka Dhulka Danta Guud ah\u201d ayaa lagu yiri qoraal ka soo saareen Xildhibaanadaan.<\/p>\n<p>Warsaxafadeedkaan ayaa noqonaya kii labaad ay soo saareen Xildhibaanadaan ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan boobka dhulka danta guud ah.<\/p>\n<p>Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale qoraalkooda ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh oo kasoo jeeda bahda waxbarashada inuu xaraashay dhul badan oo ahaa goobo Waxbarasho.<\/p>\n<p>\u201cMadaxwaynaha oo ka soo jeeda bahda waxbarashada ayaa xaraashay dhukii u badka Soomaaliyeed wax ku baranayeen, Sida Jaamacada Umada, Schoolka Ilays iyo kuwo kale oo badan, waana ka xishoon waayey masiirka dhallinyarada Soomaaliyeed\u201d ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Xildhibaanadda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 12` Jan 2025 {CBB} \u2014 Xildhibaanadaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saaray Warsaxafadeed ay kaga soo horjeedaan boob ay sheegeen in lagu haayo dhulka danta guud ah ee ku yaala magaalada Muqdisho. Mudanayaashaan labada Aqal oo tiradoodu gaareyso ilaa 97 Xildhibaan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in laga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":1945,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1944","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1944","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1944"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1944\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1946,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1944\/revisions\/1946"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1945"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1944"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1944"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1944"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}