{"id":2190,"date":"2025-02-16T07:03:13","date_gmt":"2025-02-16T07:03:13","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2190"},"modified":"2025-02-17T07:05:11","modified_gmt":"2025-02-17T07:05:11","slug":"safiirka-dowladda-turkiga-ee-soomaaliya-oo-la-kulmay-madaxweynaha-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2190","title":{"rendered":"Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya oo la Kulmay Madaxweynaha Somaliland"},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad , 16 Feb 2025 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Madaxtooyada kulan kula yeeshay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alper Aktas iyo wefdi uu hoggaaminaayo.<\/p>\n<p>Madaxweynaha iyo Safiirka Dawladda Turkiga iyo wafdigiisa ayaa ka wada hadlay arrimo badan, kuwaas oo la xidhiidha xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada \u00a0labada dhinac.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Danjiraha Turkigu ayaa Madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyey Doorashooyinkii ka dhacay, isaga oo tilmaamay in Somaliland ay hirgalay hannaanka dimuqraadiyadda.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Kulankan ayaa intii uu socday la isku soo qaaday arrimaha la xiriira nabadeynta, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha, ka wada shaqaynta arrimaha bini\u2019aadannimada.<\/p>\n<p>Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Dawladda Turkiga \u00a0ayaa imaanaya xilli uu madaxweynaha dhawaan uu ka soo laabtay magaalada Dubia.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad , 16 Feb 2025 {CBB}Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Madaxtooyada kulan kula yeeshay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alper Aktas iyo wefdi uu hoggaaminaayo. Madaxweynaha iyo Safiirka Dawladda Turkiga iyo wafdigiisa ayaa ka wada hadlay arrimo badan, kuwaas oo la xidhiidha xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada \u00a0labada dhinac. Sidoo kale, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":2191,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-2190","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2190","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2190"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2190\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2192,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2190\/revisions\/2192"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2191"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2190"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2190"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2190"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}