{"id":2293,"date":"2025-02-26T10:31:52","date_gmt":"2025-02-26T10:31:52","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2293"},"modified":"2025-02-26T10:32:41","modified_gmt":"2025-02-26T10:32:41","slug":"kulankii-golaha-shacabka-ee-maanta-oo-kooram-laaan-u-baaqday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2293","title":{"rendered":"Kulankii Golaha Shacabka ee Maanta oo Kooram la\u2019aan u baaqday"},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco, 26 Feb, 2025 {CBB}<\/strong>Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in fadhiga labaad ee kalfadhiga 6aad uu u baaqday kooram la\u2019aan.<\/p>\n<p>Waxa uu Xildhibaannada maqan ugu baaqay in ay soo xaadiraan kulamada soo socda, shaqooyinka horyaalla Baarlamaanka ee kooram la\u2019aanta u baaqday ayuu ka xusay Mooshin ay wadeen Xildhibaannada balse si rasmi ah uma faah-faahin.<\/p>\n<p>Aadan Madoobe sheegay in waajibka saaran Baarlamaanka uu yahay gudashada ajandayaashii Khamiistii la gudbiyay maadaama maalintaas ay fadhiistaan xubnaha Guddiga Joogtada ah ee todobaadkii mar jaangooya kulamada saddexda cisho.<\/p>\n<p>Waajibaadka saaran Xildhibaanka ayuu sheegay in ay kamid yahay ka qaybgalka kulamada Baarlamaanka mar haddii uu wakiil ka yahay dadkii soo doortay iyo Dowlad-Goboleedka uu kasoo jeedo ee metaaladda uga yahay Golaha Shacabka.<\/p>\n<p>Fadhiga ugu horreeya ee Sabtida ayuu sheegay in haddii ay maqnaadaan Xildhibaannada la yeerin doonno magacyadooda si loo ogaado mudanaha xaadiray iyo kan maqan sida uu hadalka u dhigay Guddoomiye Aadan Madoobe.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco, 26 Feb, 2025 {CBB}Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in fadhiga labaad ee kalfadhiga 6aad uu u baaqday kooram la\u2019aan. Waxa uu Xildhibaannada maqan ugu baaqay in ay soo xaadiraan kulamada soo socda, shaqooyinka horyaalla Baarlamaanka ee kooram la\u2019aanta u baaqday ayuu ka xusay Mooshin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":2294,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-2293","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2293","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2293"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2293\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2296,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2293\/revisions\/2296"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2294"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2293"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2293"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2293"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}