{"id":2325,"date":"2025-03-01T07:39:37","date_gmt":"2025-03-01T07:39:37","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2325"},"modified":"2025-03-01T07:39:37","modified_gmt":"2025-03-01T07:39:37","slug":"dowladda-soomaaliya-oo-shaaciyey-cidda-diiday-warqaddii-raiisul-wasare-rooble","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2325","title":{"rendered":"Dowladda Soomaaliya oo shaaciyey cidda diiday warqaddii Ra\u2019iisul-wasare Rooble."},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti 1, March 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa beeniyay in wasaaraddiisu ay sabab u tahay diidmada warqadda habraaca dalbashada fiisaha dalka Koonfur Afrika. Wuxuu caddeeyay in warqaddii ay u direen Dowladda Koonfur Afrika ay dib ugu soo celisay wasaaradda.<\/p>\n<p>Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in Dowladda Koonfur Afrika ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ka weydiisay wafdiga Ra\u2019iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, iyo cidda rasmi ahaan u casuuntay dalkaas.<\/p>\n<p>Dowladda Koonfur Afrika ayaa su\u2019aal ka keentay sida Ra\u2019iisul Wasaare hore uu u hoggaamin karo wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno, iyada oo aysan jirin warqad casuumaad rasmi ah oo dowladeed. Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Cali Balcad wuxuu qiray in Xildhibaan Cabdullaahi Carab uu mar kale la xiriiray mas\u2019uuliyiinta, una sheegay inuu ku safrayo baasaboorka Soomaaliga, taasoo fududeysay in fiisaha loo soo saaro.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Xildhibaan Cabdullaahi Carab ayaa war qoraal ah oo uu ku daabacay bartiisa Facebook kaga jawaabay hadalka Wasiir Cali Balcad, wuxuuna yiri: \u201cWaxaan ognahay oo kaliya in Wasiir Cali Balcad uu si shaqsi ah u hor istaagay warqaddaas, diidayna in ay ka gudubto kaydka (Archive) Wasaaradda Arrimaha Dibadda.\u201d<\/p>\n<p>Wuxuu hadalkiisa ku daray: \u201cMarkii aan xaqiiqsannay in warqadda la hor istaagay, waqtiguna nagu socday, ayaan u maray guddoonka Baarlamaanka sida xildhibaannada kale si aan fiisaha u qaato. Wafdiga qayb ka mid ahna ma suurtagelin inay safraan, oo uu ka mid yahay Ra\u2019iisul Wasaare hore Rooble.\u201d<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Rooble oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in qaar ka mid ah saaxiibbadiis ay saameysay dhacdadan, balse ay la xisaabtami doonaan marka uu dib u soo laabto.<\/p>\n<p>\u201cNin ciid kugu rogay, calooshiisa ku tusay. Markaan dalka imaado, ayaan la xisaabtami kuwa dadka u dowladaynaya ee na hor istaagay,\u201d ayuu yiri Rooble.<\/p>\n<p>Rooble oo aan horey loogu baran hadallo kulul ayaa markan si adag uga hadlay qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashooyinka, wuxuuna uga digay inuu ku dhaqaaqo wixii uu shalay ka diiday Farmaajo markii uu Ra\u2019iisul Wasaaraha ahaa.<\/p>\n<p>\u201cWixii shalay walaalkey Farmaajo aan kor ugu sheegay hoosna ugu sheegay, ayaan rabaa inaan maanta walaalkey Madaxweyne Xasan Sheekh kor iyo hoos ugu sheego, taasoo ah in wax loo dhan yahay la wada helo. Waxaan shalay anigu diiday yaan dalka lagu celin,\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaarihii hore ee dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti 1, March 2025 {CBB}\u00a0Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa beeniyay in wasaaraddiisu ay sabab u tahay diidmada warqadda habraaca dalbashada fiisaha dalka Koonfur Afrika. Wuxuu caddeeyay in warqaddii ay u direen Dowladda Koonfur Afrika ay dib ugu soo celisay wasaaradda. Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in Dowladda Koonfur Afrika [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":2326,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-2325","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2325","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2325"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2325\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2327,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2325\/revisions\/2327"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2326"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2325"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2325"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2325"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}