{"id":2531,"date":"2025-03-18T13:47:36","date_gmt":"2025-03-18T13:47:36","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2531"},"modified":"2025-03-18T13:47:36","modified_gmt":"2025-03-18T13:47:36","slug":"burcad-badeed-soomaaliyeed-oo-xeebaha-puntland-ka-af-duubtay-doon-kalluumeysi-oo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2531","title":{"rendered":"burcad-badeed Soomaaliyeed oo xeebaha Puntland ka af-duubtay doon kalluumeysi oo\u2026."},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 18,March 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Dabley hubaysan oo looga shakisan yahay burcad-badeed Soomaaliyeed ayaa xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ka af-duubtay doon kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Yemen.<\/p>\n<p>Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa shaaciyay in lagu wargeliyay dhacdo looga shakisan yahay in ay la xiriirto burcad-badeednimo taasi oo xeebaha degmada EYL ee gobolka Nugaal lagaga qafaashay doon kalluumeysi oo laga lee yahay waddanka Yemen.<\/p>\n<p>Warsaxaafadeed ka soo baxay Hawlgalka Ilaalada Xeebaha ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa lagu sheegay in doontaasi ay qafaasheen dabley hubaysan oo ka kooban 7 nin kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay yihiin burcad-badeed Soomaaliyeed balse weli dhacdada baaritaan ku socdo.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Hawlgalka Ilaalada Xeebaha ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa intaasi raaciyay in doonta la qafaashay ay saaran yihiin 8 shaqaale ah oo dhammaantood Soomaali ah waxaana dhacdadaasi imaanaysaa bil kaddib markii burcad-badeedu weerartay doontii Seytuun2 oo uu ka babanayay calanka Yemen.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/03\/IMG_8206.webp\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 18,March 2025 {CBB}\u00a0Dabley hubaysan oo looga shakisan yahay burcad-badeed Soomaaliyeed ayaa xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ka af-duubtay doon kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Yemen. Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa shaaciyay in lagu wargeliyay dhacdo looga shakisan yahay in ay la xiriirto burcad-badeednimo taasi oo xeebaha degmada EYL ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":2533,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-2531","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2531","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2531"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2531\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2535,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2531\/revisions\/2535"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2533"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2531"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2531"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2531"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}