{"id":2565,"date":"2025-03-21T13:58:12","date_gmt":"2025-03-21T13:58:12","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2565"},"modified":"2025-03-21T13:58:12","modified_gmt":"2025-03-21T13:58:12","slug":"xamaas-oo-dib-u-bilowday-in-ay-gantqaalo-ku-garaacdo-caasimadda-israaiil","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2565","title":{"rendered":"Xamaas oo dib u bilowday in ay gantqaalo ku garaacdo caasimadda Israa\u2019iil"},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 21, March 2025 {CBB} \u2013<\/strong>\u00a0Kooxda Xamaas ayaa sheegtay in ay saddex gantaal ku garaacday Tel Aviv \u2013 waana markii ugu horreysay ee kooxdaasi ay qaaddo weerar gantaal oo noocan ah tan iyo markii Israa\u2019iil ay dib u bilowday duullaanka millitari ee Marinka Gaza.<\/p>\n<p>Israa\u2019iil waxa ay sheegtay in ay qabatay mid ka mid ah gantaallada, kuwa kalena ay ku dhaceen dhul aanay cidna ku noolayn.<\/p>\n<p>Ugu yaraan 591 qof \u2013 oo ay ku jiraan in ka badan 200 oo carruur ah \u2013 ayaa la dilay tan iyo markii ay Israa\u2019iil dagaalka dib u bilowday maalintii Talaadada, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.<\/p>\n<p>Ciidamada difaaca Israa\u2019iil ee loo soo gaabiyo IDF ayaa sheegay in Khamiistii ay howlgal dhulka ah ka bilaabeen dhulka falastiiniyiinta.<\/p>\n<p>Waxaa jiray dib u dhac ku yimid dhaq-dhaqaaq millitari oo ballaadhan tan iyo bishii January, markaas oo ay bilaabatay xabbad-joojin u dhexeysa Israa\u2019iil iyo Xamaas<\/p>\n<p>Israa\u2019iil ayaa sheegaysa in Xamaas ay weli gacanta ku hayso 59 la-hayste oo 24 ka mid ah la rumaysan yahay in ay dhinteen.<\/p>\n<p>Geesta kale, kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa gantaal ballistic ah ku riday Israa\u2019iil Khamiistii, iyaga oo bartilmaameedkoodu ahaa garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion oo u dhow Tel Aviv, sida uu sheegay afhayeenka millateriga ee kooxdan ay Iran taageerto.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 21, March 2025 {CBB} \u2013\u00a0Kooxda Xamaas ayaa sheegtay in ay saddex gantaal ku garaacday Tel Aviv \u2013 waana markii ugu horreysay ee kooxdaasi ay qaaddo weerar gantaal oo noocan ah tan iyo markii Israa\u2019iil ay dib u bilowday duullaanka millitari ee Marinka Gaza. Israa\u2019iil waxa ay sheegtay in ay qabatay mid ka mid ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":2566,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-2565","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2565","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2565"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2565\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2567,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2565\/revisions\/2567"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2566"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2565"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2565"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2565"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}