{"id":2587,"date":"2025-03-21T14:20:38","date_gmt":"2025-03-21T14:20:38","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2587"},"modified":"2025-03-21T14:20:38","modified_gmt":"2025-03-21T14:20:38","slug":"rw-xamsa-xukuumadeydu-waxay-u-guuri-doontaa-jiida-hore-ee-dagaalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2587","title":{"rendered":"RW Xamsa\u201d Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka\u201d"},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 21, March 2025 {CBB} \u2013<\/strong>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg-deg oo looga hadlayo amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddisu ay u guuri doonto furrimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \">\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed heystaan fursad muhiim ah oo waqti kooban lagu soo afjari doono kooxaha Khawaarijta ah, maadama ay ku jiraan marxalad dhammaad ah, lana doonayo in shacabka Soomaaliyeed gamcaha isu qabsadaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen ilaalinta amnigooda iyo xasilloonida dalka, isaga oo faray hey\u2019adaha amniga in ay sii xoojiyaan xaqiijinta amniga caasimadda.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey howlgallada socda ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay ku ciribtirayaan kooxaha baneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee laga sifeyn doono guud ahaan dalka.<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 21, March 2025 {CBB} \u2013Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg-deg oo looga hadlayo amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta. Ra\u2019iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddisu ay u guuri doonto furrimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":2588,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-2587","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2587","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2587"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2587\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2589,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2587\/revisions\/2589"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2588"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2587"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2587"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2587"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}