{"id":2599,"date":"2025-03-22T10:37:56","date_gmt":"2025-03-22T10:37:56","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2599"},"modified":"2025-03-22T10:37:56","modified_gmt":"2025-03-22T10:37:56","slug":"xuutiyiinta-yemen-oo-xirtay-mid-kamid-ah-garoomada-diyaaradaha-ugu-weyn-israaiil","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2599","title":{"rendered":"Xuutiyiinta Yemen oo xirtay mid kamid ah garoomada diyaaradaha ugu weyn Israa\u2019iil."},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti 22, March 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Kooxda Xuutiyiinta ee maamusha qeybo badan oo kamid ah dalka Yemen, ayaa sabab u noqday in uu xirmo garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa\u2019iil ee Ben Gurion , kaddib weeraro joogto oo gantaalo ah oo kooxda ku qaaday garoonkaasi iyo goobaha ku dhaw dhaw.<\/p>\n<p>Afhayeenka dhinaca milatariga ee Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa ku dhawaaqay inuu xiranyahay garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Israa\u2019iil ee Ben Gurion oo ku yaalla Telaabiib , waxa uuna caddeeyay in garoonkaasi si joogto ah u weerari doonaan.<\/p>\n<p>Yaxye Sariic, ayaana u sheegay shirkadaha diyaaradaha in aysan adeegsan karin garoonka Ben Gurion, waxa uuna xusay in garoonkaasi uu xiran yahay ayna ka go\u2019an tahay in ay si joogto ah weeraro gantaalo ah ugu qaadaan garoonkaasi, ilaa Israa\u2019iil joojineyso weerarada iyo xayiraada ay ku heyso Gasa.<\/p>\n<p>\u201dWaxaan idin ku wargelinayna laga billaabo waqtigan garoonka Ben Gurion, ma aha mid ammaan ah isku socodkiisa hawada\u2026 waan weerarreyna, waliba si joogta ah , ma adeegsan kartaan haddii kale waqti kasta waxaa halkaa jooga gantaaladeenna , wuuna ku sii jiri doonaa xaaladan illaa inta uu istaagayo duullaanka Qasa oo xayiraada laga qaadayo.\u201dayuu yiri Yaxye Sariic .<\/p>\n<p>Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaana sheegtay in 48 saac ee lasoo dhaafay garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa\u2019iil ku qaadeen saddex weerar oo gantaalo ah, waxa ayna tallaabadan noqoneysaa mid saameyn weyn ku yeelata howlaha garoonkan oo si maalinle ah uga degaan diyaarado badan oo caalamka ka kala taga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti 22, March 2025 {CBB}\u00a0Kooxda Xuutiyiinta ee maamusha qeybo badan oo kamid ah dalka Yemen, ayaa sabab u noqday in uu xirmo garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa\u2019iil ee Ben Gurion , kaddib weeraro joogto oo gantaalo ah oo kooxda ku qaaday garoonkaasi iyo goobaha ku dhaw dhaw. Afhayeenka dhinaca milatariga ee Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":2600,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-2599","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2599","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2599"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2599\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2601,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2599\/revisions\/2601"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2600"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2599"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2599"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2599"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}