{"id":2617,"date":"2025-03-23T12:29:30","date_gmt":"2025-03-23T12:29:30","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2617"},"modified":"2025-03-23T12:29:30","modified_gmt":"2025-03-23T12:29:30","slug":"dowladda-soomaaliya-oo-shaacisay-khasaaraha-ka-dhashay-diyaaraddii-burburtay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2617","title":{"rendered":"Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Khasaaraha ka dhashay diyaaraddii burburtay."},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 23, March 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Shan qof ayaa ku dhimatay shil diyaaradeed oo dhacay galabinamadii Sabtida, meel ku dhow 24 kiiloomitir dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Hay\u2019adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA).<\/p>\n<p>Diyaaradda dhacday oo nooceedu ahaa DHC-5D Buffalo, islamarkaana lahayd summadda diiwaangelinta 5Y-RBA, waxaa lahayd shirkadda duulimaadyada ee Trident Aviation Ltd.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_6_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Waxay kasoo duushay garoonka diyaaradaha magaalada Dhoobley (HCDB) oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya, waxayna kusii jeedday Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle (HCMM) ee magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Shilku wuxuu dhacay qiyaastii 5:43 galabnimo xilliga maxalliga ah. War hordhac ah oo kasoo baxay SCAA ayaa xaqiijiyay in dhammaan shantii qof ee diyaaradda saarnaa ay geeriyoodeen. Hay\u2019adda ma aysan sheegin dhalashada shanta qof, balse warar aan helnay waxay sheegayaan in ay ahaayeen Kenyan.<\/p>\n<p>Hay\u2019adaha dowladda, adeegyada gurmadka degdegga ah iyo hay\u2019adaha caalamiga ah ee la shaqeeya ayaa durba billaabay howlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta goobta shilka. Waxaa sidoo kale socda baaritaan hordhac ah si loo ogaado sababta shilka keentay.<\/p>\n<p>Diyaaradda DHC-5 Buffalo ayaa inta badan loo isticmaalaa howlaha gaadiidka iyo gargaarka bani\u2019aadamnimo, gaar ahaan goobaha fogfog iyo deegaanada ay adag tahay in lagu safro. Waxaa caan ka dhigay awoodeeda inay ka duusho ama ku degto garoomada yaryar, taasoo ka dhigaysa mid ku habboon xaaladaha adag ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ayaa ah garoonka ugu mashquulka badan Soomaaliya, waxaana inta badan laga fuliyaa howlaha gargaarka iyo socdaallada diblomaasiyadeed ee gobolka Geeska Afrika. Garoonka Dhoobley oo ku dhow xadka Kenya ayaa isna inta badan qaabbila duulimaadyada la xiriira howlaha gargaarka caalamiga ah.<\/p>\n<p>War rasmi ah oo kasoo baxay Hay\u2019adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa loogu tacsiyeeyay dadkii ay dhibaatadu gaartay, waxaana lagu yiri: \u201cWaxaan la qaybsanaynaa murugada qoysaska iyo ehelada dadkii ay masiibadu haleeshay.\u201d<\/p>\n<p>Ilo-wareedyo aya warbahinta u sheegay in diyaaradda ay dhibaato farsamo la kulantay subaxnimadii Sabtida iyadoo ku sugnayd Dhoobley, hase yeeshee ciladdaasi la sheegay in la xaliyay ka hor inta aysan duulin.<\/p>\n<p>Waxaa la filayaa faahfaahin dheeraad ah marka ay mas\u2019uuliyiintu soo gebagebeeyaan baaritaannada socda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 23, March 2025 {CBB}\u00a0Shan qof ayaa ku dhimatay shil diyaaradeed oo dhacay galabinamadii Sabtida, meel ku dhow 24 kiiloomitir dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Hay\u2019adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA). Diyaaradda dhacday oo nooceedu ahaa DHC-5D Buffalo, islamarkaana lahayd summadda diiwaangelinta 5Y-RBA, waxaa lahayd shirkadda duulimaadyada ee Trident Aviation Ltd. Waxay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":2618,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-2617","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2617","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2617"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2617\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2619,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2617\/revisions\/2619"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2618"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2617"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2617"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2617"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}