{"id":2648,"date":"2025-03-24T11:18:44","date_gmt":"2025-03-24T11:18:44","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2648"},"modified":"2025-03-24T11:18:44","modified_gmt":"2025-03-24T11:18:44","slug":"dowlladda-soomaaliya-oo-si-wayn-u-maamuustay-guddoomiyaha-midowga-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2648","title":{"rendered":"Dowlladda Soomaaliya oo Si wayn u Maamuustay Guddoomiyaha Midowga Afrika."},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 24, March 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan Afur ah ku maamuusay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdiga ku wehelinaya booqashada uu ku yimid dalka.<\/p>\n<p>Casho sharaftan waxaa ka qeyb galay Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Danjireyaasha iyo diblumaasiyiinta dalalka Afrika ee ka howlgala Muqdisho.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaadanayo dadaallada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo xoojinta amniga gudaha ee Soomaaliya, isagoo xusay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen walaalaha Nabad ilaalinta Afrika ee ku sugan Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida dowladda Soomaaliya ay uga go\u2019an tahay la dagaallanka argagixisada xasuuqa ku haya shacabka Soomaaliyeed, kana soo horjeeda jiritaanka iyo horumarka dalka, waxa uuna ammaanay sida dalalka Gobolka ay u kordhiyeen garab istaagga ku aaddan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.<\/p>\n<p>\u201cArgagixisada uma harin meel ay kaga dhex dhuuman karaan Soomaaliya, dhulkii iyo dadkiiba waa diideen. Alle idankii, waaa ku guuleysan doonnaa in aan gebi ahaanba ka dabar-goyno dalkayaga oo iska dulqaadno dhagartooda, boobkooda iyo xasuuqa ay ku hayaan nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed\u201d.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa isla qaatay horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay\u2019adaha dowladda, iyo xoojinta amniga gobolka, si loo xaqiijiyo.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya ay ka go\u2019an tahay in ay door firfircoon ka qaadato geeddi-socodka dib u habaynta Midowga Afrika, kana shaqeyso in ay khibraddeeda daminta colaadaha sokeeye iyo nabadaynta ay uga faa\u2019iideyso dalalka qaaradda iyo gobolka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 24, March 2025 {CBB}\u00a0Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan Afur ah ku maamuusay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdiga ku wehelinaya booqashada uu ku yimid dalka. Casho sharaftan waxaa ka qeyb galay Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Danjireyaasha iyo diblumaasiyiinta dalalka Afrika [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":2649,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-2648","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2648","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2648"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2648\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2650,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2648\/revisions\/2650"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2649"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2648"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2648"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2648"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}