{"id":2721,"date":"2025-03-27T08:03:53","date_gmt":"2025-03-27T08:03:53","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2721"},"modified":"2025-03-27T08:03:53","modified_gmt":"2025-03-27T08:03:53","slug":"muxuu-xasan-cali-kheyre-ka-yari-in-al-shabab-dib-u-qabsadeen-masaajid-cali-gaduud","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2721","title":{"rendered":"Muxuu Xasan Cali Kheyre ka yari in Al Shabab dib u qabsadeen Masaajid Cali Gaduud?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 27, March 2025 {CBB}<\/strong>Ra\u2019iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Shalay ay Kooxda Al Shabaab markale kula wareegeen gacan ku haynta Degmada Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Sh.Dhexe.<\/p>\n<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs x126k92a\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Wuuxuu sheegay in uu aad uga damqaday in markale Al Shabaab ay qabsadaan Masaajid Cali Gaduud oo ay Ciidamada Qalabka-sida iyo halyeeyada deegaanku ka xoreeyeen 2 sano ka hor.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">\u201cArgagaxisadu waa caqabadda ugu wayn ee maanta hortaagan horumarka Soomaaliya, waxa ayna duullaan ku yihiin guud ahaan dadka iyo deegaannada Soomaaliyeed. Soomaalidu waa ul iyo diirkeed, waana fashil u soo hoyday qof kasta oo Soomaali ah mar kasta oo ay argagaxisadu naga qabsadaan taako ka mid ah dhulkeenna hooyo\u201d, ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Isagoo hadalkii sii wata ayuu bulshada Soomaaliyeed uga digay in deegaan ay argagaxisadu la wareegeen loo fasiro fashil ku yimid qof, koox, ama beel gaar ah, isagoona tilmaamay in fasirkaasi\u00a0 yahay mid lagu kala qeybinayo bulshada.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">\u201cFasirka nuucan waxa uu kala dhantaalayaa midnimada umadda, waxa uuna u hiillo iyo dhiirrigelin u yahay argagaxisada\u201d, sidaasi waxaa yiri Xasan Cali Kheyre.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Ra\u2019iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in guulihii horay looga gaaray la dagaallanka argagaxisada iyo deegaannadii laga xoreeyay lagu xaqiijiyay wadajirka dadka Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, isagoona xusay in taas ay tusaale nool u tahay awoodda wadajirka iyo in midnimadu tahay jidka kaliya ee looga guuleysan karo Al Shabaab.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu qaato kaalin hoggaamineed oo uu ku samatabixinayo dadka iyo dalka, islamarkaana uu meel iska dhigo waxyaabihii sababay in lagu kala irdhoobo siyaasadda, dadka Soomaaliyeedna u fidiyo gogol qaran oo looga tashanayo samatabixinta dalka, si la isaga kaashado xoreynta dalka iyo ciribtirka Al Shabaab.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">\u201cWaxaan ku jirnaa tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxaan guud ahaan umadda Soomaaliyeed ku boorrinayaa in loo duceeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si aan kalahar lahaynna u garab istaagno Ciidamada Qalabka-sida iyo dadaallada dalka looga xoreynayo khawaarijta\u201d, sidaasi waxaa yiri mudane Xasan Cali Khaire.<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 27, March 2025 {CBB}Ra\u2019iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Shalay ay Kooxda Al Shabaab markale kula wareegeen gacan ku haynta Degmada Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Sh.Dhexe. Wuuxuu sheegay in uu aad uga damqaday in markale Al Shabaab ay qabsadaan Masaajid Cali Gaduud oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":2722,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-2721","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2721","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2721"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2721\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2723,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2721\/revisions\/2723"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2722"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2721"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2721"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2721"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}