{"id":2773,"date":"2025-03-29T09:48:25","date_gmt":"2025-03-29T09:48:25","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2773"},"modified":"2025-03-29T09:48:25","modified_gmt":"2025-03-29T09:48:25","slug":"faah-faahinta-duqaymo-xalay-ka-dhacay-gobolka-shebelada-dhaxe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2773","title":{"rendered":"Faah-faahinta: Duqaymo xalay ka dhacay Gobolka Shebelada dhaxe."},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti 29, March-2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Ciidamada NISA iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa howlgal duqeyn ah oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.<\/p>\n<p>Howlgalka ayaa xalay ka dhacay deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay 21 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.<\/p>\n<p>\u201cHowlgalkan lagu beegsaday Khawaarijta ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyada oo lagu guuleystay in hal goob lagu soo afjaro nolosha dhammaan xubnihii Khawaarijta ee bartilmaameedka u ahaa,\u201d ayaa lagu yiri war ka soo baxay Hay\u2019adda NISA.<\/p>\n<p>Ciidanka Qaranka ee howlgalka fuliyay ayaa ogaaday khasaaraha gaaray kooxda la weeraray, sidoo kale waxaa howlgalkaan lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.<\/p>\n<p>\u201cHay\u2019adda NISA, waxa ay markale dadka rayidka ah ku wargalineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta, maadaama la xoojiyay howlgalka dalka looga sifeynayo haraadiga Khawaarijta,\u201d ayaa lagu yiri qoraalka NISA.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_7_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay duqeymaha loo geysanayo kooxda Al-Shabaab dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay, kadib markii ay kooxdu soo qaaday weerarro is-dabajoog ah.<\/p>\n<p>Al-Shabaab waxay qabsadeen dhul badan oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, dowladda Soomaaliya ayaa weli wada iska caabinta kooxda, balse waxaa gaabis ah howlgallada dhulka.<\/p>\n<p>Hoos ka eeg qoraalka NISA.<\/p>\n<p><strong><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-2774\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/03\/NISA-2-212x300.webp\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/03\/NISA-2-212x300.webp 212w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/03\/NISA-2-297x420.webp 297w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/03\/NISA-2-640x906.webp 640w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/03\/NISA-2-681x964.webp 681w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/03\/NISA-2.webp 696w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/><\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti 29, March-2025 {CBB}\u00a0Ciidamada NISA iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa howlgal duqeyn ah oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka ayaa xalay ka dhacay deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay 21 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":2775,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-2773","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2773","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2773"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2773\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2776,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2773\/revisions\/2776"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2775"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2773"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2773"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2773"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}