{"id":2876,"date":"2025-04-02T13:25:27","date_gmt":"2025-04-02T13:25:27","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2876"},"modified":"2025-04-02T13:25:27","modified_gmt":"2025-04-02T13:25:27","slug":"taliyaha-daraawiishta-diinsoor-oo-balanqaaday-furitaanka-waddooyinka-xiriiriya-diinsoor-iyo-baydhabo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=2876","title":{"rendered":"Taliyaha Daraawiishta Diinsoor oo Balanqaaday Furitaanka Waddooyinka Xiriiriya Diinsoor iyo Baydhabo."},"content":{"rendered":"<p><strong>Diinsoor (Radio CBB) \u2013<\/strong> Taliyaha Daraawiishta Degmada Diinsoor, Xasan Cali Yare Gaabow, ayaa sheegay in shacabka degmadaasi loo ballanqaaday in la furi doono waddooyinka isku xira Diinsoor iyo Baydhabo, kuwaas oo muddo ay go\u2019doomiyeen kooxda Al-Shabaab.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Taliyaha, oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Codka Bay iyo Bakool ee Baydhabo, ayaa ka hadlay xaaladda go\u2019doonka ay degmada ku jirto, isagoo xusay in dadaallo xooggan ay socdaan si dib loogu furo waddooyinka muhiimka ah ee isku xira magaalooyinka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wuxuu tilmaamay in ciidamada Daraawiishta iyo kuwa kale ee ammaanka ay wadaan qorshayaal lagu xoreynayo waddooyinka, taasoo sahli doonta isu socodka shacabka iyo gaadiidka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago khatarta Al-Shabaab ee hakisay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo nolosha bulshada.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Go\u2019doominta ay kooxda Al-Shabaab saartay waddooyinka ayaa saameyn xoogan ku yeelatay nolasha dadka ku dhaqan Diinsoor, iyadoo ay adkaatay helitaanka raashiinka iyo adeegyada kale ee daruuriga ah.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<!--[if lt IE 9]><script>document.createElement('audio');<\/script><![endif]-->\n<audio class=\"wp-audio-shortcode\" id=\"audio-2876-1\" preload=\"none\" style=\"width: 100%;\" controls=\"controls\"><source type=\"audio\/mpeg\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/Diinsoor.mp3?_=1\" \/><a href=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/Diinsoor.mp3\">https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/Diinsoor.mp3<\/a><\/audio>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Diinsoor (Radio CBB) \u2013 Taliyaha Daraawiishta Degmada Diinsoor, Xasan Cali Yare Gaabow, ayaa sheegay in shacabka degmadaasi loo ballanqaaday in la furi doono waddooyinka isku xira Diinsoor iyo Baydhabo, kuwaas oo muddo ay go\u2019doomiyeen kooxda Al-Shabaab. &nbsp; Taliyaha, oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Codka Bay iyo Bakool ee Baydhabo, ayaa ka hadlay xaaladda go\u2019doonka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":2878,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1,24],"tags":[],"class_list":["post-2876","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta","category-wareysiyada"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2876","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2876"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2876\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2879,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2876\/revisions\/2879"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2878"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2876"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2876"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2876"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}