{"id":3099,"date":"2025-04-08T16:27:57","date_gmt":"2025-04-08T16:27:57","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3099"},"modified":"2025-04-08T16:27:57","modified_gmt":"2025-04-08T16:27:57","slug":"mareykanku-iyo-iran-oo-wada-hadalo-tooos-ah-yeelanaya-sabtida-agendaha-kulanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3099","title":{"rendered":"Mareykanku iyo Iran oo wada hadalo tooos ah yeelanaya Sabtida +Agendaha kulanka."},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado, 08 Abriil 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Madaxweyne Donald Trump ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Mareykanku bilaabayo wada-hadallo toos ah oo heer sare ah oo lala yeesho Iran Sabtida, si looga wada hadlo barnaamijkeeda nukliyeerka. Hadalkan ayuu jeediyay isagoo kulan kula yeeshay Aqalka Cad Ra\u2019iisul Wasaaraha Israa\u2019iil, Benjamin Netanyahu.<\/p>\n<p>Isagoo Isniintii ka hadlayay xafiiskiisa, Trump wuxuu muujiyay rajo ku aaddan in heshiis lala gaaro Tehran, balse wuxuu u digay si adag, isagoo sheegay in jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay gali doonto \u201ckhatar weyn\u201d haddii wada-hadalladu guuldareystaan.<\/p>\n<p>Saacado kadib, Tehran ayaa xaqiijisay in wadahadallada lagu wado inay Sabtida ka dhacaan dalka Cumaan, hase yeeshee waxay carrabka ku adkeysay in ay yihiin wada-hadallo \u201caan toos ahayn.\u201d<\/p>\n<p>\u201cWakiillo ka kala socda Iran iyo Mareykanka ayaa Sabtida ku kulmi doona Cumaan si ay u yeeshaan wada-hadallo aan toos ahayn oo heer sare ah,\u201d ayuu yiri wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, isagoo ku qoray baraha bulshada.<\/p>\n<p>\u201cWaa fursad iyo tijaabo isku mar ah,\u201d ayuu raaciyay. \u201cHadda kubaddu waxay taal Mareykanka hortiisa.\u201d<\/p>\n<p>Dhanka kale, Netanyahu ayaa sheegay in Israa\u2019iil iyo Mareykanka ay isla wadaan dadaal lagu doonayo in lagu sii daayo la-haystayaal ku sugan Gaza, halkaas oo ay burburtay xabbad-joojin ay Mareykanku garwadeen ka ahaayeen oo u dhexeysay Israa\u2019iil iyo Xamaas \u2014 oo xulafo la ah Iran.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_6_host\"><iframe loading=\"lazy\" id=\"aswift_6\" tabindex=\"0\" title=\"Advertisement\" src=\"https:\/\/googleads.g.doubleclick.net\/pagead\/ads?gdpr=0&amp;us_privacy=1---&amp;gpp_sid=-1&amp;client=ca-pub-1599381228913023&amp;output=html&amp;h=280&amp;adk=3335887252&amp;adf=3592617315&amp;pi=t.aa~a.2878201585~i.10~rp.4&amp;w=696&amp;abgtt=6&amp;fwrn=4&amp;fwrnh=100&amp;lmt=1744129606&amp;num_ads=1&amp;rafmt=1&amp;armr=3&amp;sem=mc&amp;pwprc=8351229868&amp;ad_type=text_image&amp;format=696x280&amp;url=https%3A%2F%2Fwww.hiiraanweyn.net%2F2025%2F04%2F08%2Fmareykanku-iyo-iran-oo-wada-hadalo-tooos-ah-yeelanaya-sabtida-agendaha-kulanka%2F&amp;fwr=0&amp;pra=3&amp;rh=174&amp;rw=696&amp;rpe=1&amp;resp_fmts=3&amp;wgl=1&amp;fa=27&amp;uach=WyJXaW5kb3dzIiwiMTAuMC4wIiwieDg2IiwiIiwiMTM0LjAuNjk5OC4xNzgiLG51bGwsMCxudWxsLCI2NCIsW1siQ2hyb21pdW0iLCIxMzQuMC42OTk4LjE3OCJdLFsiTm90OkEtQnJhbmQiLCIyNC4wLjAuMCJdLFsiR29vZ2xlIENocm9tZSIsIjEzNC4wLjY5OTguMTc4Il1dLDBd&amp;dt=1744129604619&amp;bpp=11&amp;bdt=846&amp;idt=11&amp;shv=r20250407&amp;mjsv=m202504030101&amp;ptt=9&amp;saldr=aa&amp;abxe=1&amp;cookie=ID%3D047f31adfa20c313%3AT%3D1735894783%3ART%3D1744129345%3AS%3DALNI_MbZVZZEa0Dk5zrbb8NparG1xy4aYw&amp;gpic=UID%3D00000fc4a0092f43%3AT%3D1735894783%3ART%3D1744129345%3AS%3DALNI_MYMw1kQy1k2jXAbpPn5hPEaPuBDIQ&amp;eo_id_str=ID%3D13611222ae5bb97d%3AT%3D1735894783%3ART%3D1744129345%3AS%3DAA-AfjZGt6ILFKCXkTVvKT-q6vbj&amp;prev_fmts=0x0%2C728x90%2C728x90%2C1068x70&amp;nras=2&amp;correlator=1290962294893&amp;frm=20&amp;pv=1&amp;u_tz=180&amp;u_his=1&amp;u_h=768&amp;u_w=1366&amp;u_ah=728&amp;u_aw=1366&amp;u_cd=24&amp;u_sd=1&amp;dmc=8&amp;adx=142&amp;ady=1932&amp;biw=1351&amp;bih=641&amp;scr_x=0&amp;scr_y=0&amp;eid=95355972%2C95355974%2C31091544%2C42531705%2C95357455%2C95357716&amp;oid=2&amp;pvsid=2058478028065480&amp;tmod=194968319&amp;uas=0&amp;nvt=1&amp;ref=https%3A%2F%2Fwww.hiiraanweyn.net%2F&amp;fc=1408&amp;brdim=0%2C0%2C0%2C0%2C1366%2C0%2C0%2C0%2C1366%2C641&amp;vis=1&amp;rsz=%7C%7Cs%7C&amp;abl=NS&amp;cms=2&amp;fu=128&amp;bc=31&amp;bz=0&amp;td=1&amp;tdf=2&amp;psd=W251bGwsW251bGwsbnVsbCxudWxsLCJkZXByZWNhdGVkX2thbm9uIl0sbnVsbCwzXQ..&amp;nt=1&amp;pgls=CAEaBTYuNy4y&amp;ifi=7&amp;uci=a!7&amp;btvi=2&amp;fsb=1&amp;dtd=1930\" name=\"aswift_6\" width=\"696\" height=\"0\" frameborder=\"0\" marginwidth=\"0\" marginheight=\"0\" scrolling=\"no\" sandbox=\"allow-forms allow-popups allow-popups-to-escape-sandbox allow-same-origin allow-scripts allow-top-navigation-by-user-activation\" data-google-container-id=\"a!7\" aria-label=\"Advertisement\" data-google-query-id=\"CMDyho3tyIwDFfNE9ggdsRAOnw\" data-load-complete=\"true\" data-mce-fragment=\"1\"><\/iframe><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>\u201cWaxaan si toos ah ula macaamilaynaa Iran, Sabtida waxaa nagu soo fool leh kulan aad muhiim u ah,\u201d ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta kadib kulan la sheegay inuu diiradda saari doono dadaallada Israa\u2019iil ee lagu doonayo in looga baaqsado canshuuraha cusub ee Mareykanka.<\/p>\n<p>Trump ma uusan sheegin goobta rasmi ah ee kulanku ka dhici doono, balse wuxuu carabka ku adkeeyay in aysan jiri doonin wakiillo matalaya labada dhinac, islamarkaana ay kulamadu noqon doonaan \u201cku dhowaad heerka ugu sarreeya.\u201d<\/p>\n<p>Ku dhawaaqistiisa lama filaanka ah ayaa timid maalmo un kadib markii Iran ay si cad u diidday in ay gasho wada-hadallo toos ah oo ku saabsan heshiis cusub oo lagu xakameynayo barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadoo ku tilmaamtay arrintaasi mid aan macno samaynayn.<\/p>\n<p>Trump, oo heshiiskii hore uga baxay sanadkii 2018 intii uu xilka hayay, ayaa wajahayay cadaadis sii kordhaya oo ka imaanaya mala-awaalka ah in Israa\u2019iil \u2013 oo laga yaabo inay ka hesho taageero Mareykanka \u2013 ay weerar ku qaado xarumaha nukliyeerka Iran haddii aan heshiis cusub la gaarin.<\/p>\n<p>Si kastaba, Trump ayaa digniin culus u diray Tehran.<\/p>\n<p>\u201cHaddii wada-hadalladu fashilmaan, Iran waxay wajihi doontaa khatar weyn \u2014 waana ka xumahay inaan sidaas iraahdo \u2014 khatar weyn,\u201d ayuu yiri. \u201cMa ogolaan karno inay haystaan hub nukliyeer ah.\u201d<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiin kale ayaa sheegay in Ruushka, Shiinaha iyo Iran ay la filayo in Talaadada ay Moscow ku yeeshaan wadatashi ku saabsan arrinta nukliyeerka Iran.<\/p>\n<p>Ku dhawaaqista Trump ayaa timid iyadoo Netanyahu uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee dal shisheeye ah ee si toos ah u codsada in laga dhaafo canshuuraha cusub ee Mareykanka, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay suuqyada caalamka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Israa\u2019iil ayaa ballanqaaday inuu xallin doono farqiga ganacsi ee u dhexeeya labada dal, isagoo sidoo kale ku celiyay inuu doonayo inuu meesha ka saaro \u201ccarqaladaha ganacsi.\u201d<\/p>\n<p>Kahor kulanka, Israa\u2019iil waxay qaaday tillaabo ay ku baabi\u2019isay canshuurihii ugu dambeeyay ee saarnaa badeecooyinka laga keeno Mareykanka.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_7_host\"><iframe loading=\"lazy\" id=\"aswift_7\" tabindex=\"0\" title=\"Advertisement\" src=\"https:\/\/googleads.g.doubleclick.net\/pagead\/ads?gdpr=0&amp;us_privacy=1---&amp;gpp_sid=-1&amp;client=ca-pub-1599381228913023&amp;output=html&amp;h=280&amp;adk=3335887252&amp;adf=1780013359&amp;pi=t.aa~a.2878201585~i.30~rp.4&amp;w=696&amp;abgtt=6&amp;fwrn=4&amp;fwrnh=100&amp;lmt=1744129614&amp;num_ads=1&amp;rafmt=1&amp;armr=3&amp;sem=mc&amp;pwprc=8351229868&amp;ad_type=text_image&amp;format=696x280&amp;url=https%3A%2F%2Fwww.hiiraanweyn.net%2F2025%2F04%2F08%2Fmareykanku-iyo-iran-oo-wada-hadalo-tooos-ah-yeelanaya-sabtida-agendaha-kulanka%2F&amp;fwr=0&amp;pra=3&amp;rh=174&amp;rw=696&amp;rpe=1&amp;resp_fmts=3&amp;wgl=1&amp;fa=27&amp;uach=WyJXaW5kb3dzIiwiMTAuMC4wIiwieDg2IiwiIiwiMTM0LjAuNjk5OC4xNzgiLG51bGwsMCxudWxsLCI2NCIsW1siQ2hyb21pdW0iLCIxMzQuMC42OTk4LjE3OCJdLFsiTm90OkEtQnJhbmQiLCIyNC4wLjAuMCJdLFsiR29vZ2xlIENocm9tZSIsIjEzNC4wLjY5OTguMTc4Il1dLDBd&amp;dt=1744129604651&amp;bpp=1&amp;bdt=878&amp;idt=1&amp;shv=r20250407&amp;mjsv=m202504030101&amp;ptt=9&amp;saldr=aa&amp;abxe=1&amp;cookie=ID%3D047f31adfa20c313%3AT%3D1735894783%3ART%3D1744129345%3AS%3DALNI_MbZVZZEa0Dk5zrbb8NparG1xy4aYw&amp;gpic=UID%3D00000fc4a0092f43%3AT%3D1735894783%3ART%3D1744129345%3AS%3DALNI_MYMw1kQy1k2jXAbpPn5hPEaPuBDIQ&amp;eo_id_str=ID%3D13611222ae5bb97d%3AT%3D1735894783%3ART%3D1744129345%3AS%3DAA-AfjZGt6ILFKCXkTVvKT-q6vbj&amp;prev_fmts=0x0%2C728x90%2C728x90%2C1068x70%2C696x280&amp;nras=3&amp;correlator=1290962294893&amp;frm=20&amp;pv=1&amp;u_tz=180&amp;u_his=1&amp;u_h=768&amp;u_w=1366&amp;u_ah=728&amp;u_aw=1366&amp;u_cd=24&amp;u_sd=1&amp;dmc=8&amp;adx=142&amp;ady=2769&amp;biw=1351&amp;bih=641&amp;scr_x=0&amp;scr_y=224&amp;eid=95355972%2C95355974%2C31091544%2C42531705%2C95357455%2C95357716&amp;oid=2&amp;pvsid=2058478028065480&amp;tmod=194968319&amp;uas=1&amp;nvt=1&amp;ref=https%3A%2F%2Fwww.hiiraanweyn.net%2F&amp;fc=1408&amp;brdim=0%2C0%2C0%2C0%2C1366%2C0%2C1366%2C728%2C1366%2C641&amp;vis=1&amp;rsz=%7C%7Cs%7C&amp;abl=NS&amp;fu=128&amp;bc=31&amp;bz=1&amp;td=1&amp;tdf=2&amp;psd=W251bGwsW251bGwsbnVsbCxudWxsLCJkZXByZWNhdGVkX2thbm9uIl0sbnVsbCwzXQ..&amp;nt=1&amp;pgls=CAEaBTYuNy4y&amp;ifi=8&amp;uci=a!8&amp;btvi=3&amp;fsb=1&amp;dtd=9869\" name=\"aswift_7\" width=\"696\" height=\"0\" frameborder=\"0\" marginwidth=\"0\" marginheight=\"0\" scrolling=\"no\" sandbox=\"allow-forms allow-popups allow-popups-to-escape-sandbox allow-same-origin allow-scripts allow-top-navigation-by-user-activation\" data-google-container-id=\"a!8\" aria-label=\"Advertisement\" data-google-query-id=\"CKil7ZDtyIwDFaRc9ggd2-4Cog\" data-load-complete=\"true\" data-mce-fragment=\"1\"><\/iframe><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>\u2013 Wada-hadallada Gaza \u2013<br \/>\nTrump iyo Netanyahu waxay sidoo kale ka wada hadleen xaaladda Gaza, halkaas oo ay burburtay xabbad-joojin uu Mareykanku dhex-dhexaadin ka ahaa, taasoo u dhexeysay Israa\u2019iil iyo Xamaas.<\/p>\n<p>Netanyahu wuxuu sheegay in la qorsheynayo wada-hadallo cusub oo lagu doonayo in lagu sii daayo la haystayaal kale oo ay Xamaas afduubtay intii lagu jiray weerarkii taariikhiga ahaa ee ay ku qaaday Israa\u2019iil 7-dii Oktoobar 2023 \u2014 weerar sababay dagaalka hadda socda.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan hadda wadnaa dadaal kale oo lagu doonayo in la gaaro heshiis cusub, waxaana naga go\u2019an in aan la haystayaasha oo dhan kasoo saarno,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Trump ayaa markale adkeeyay qorshihiisa ku saabsan in Mareykanku \u201cmaamulo\u201d marinka Gaza, isagoo ku tilmaamay \u201cdhul qiimo badan leh.\u201d Wuxuu qorshahan shaaciyay markii Netanyahu uu la kulmay bishii Febraayo.<\/p>\n<p>Trump wuxuu ku soo dhaweeyay Netanyahu bannaanka Aqalka Cad isagoo gacan taagay, kadibna waxay gudaha ugu galeen kulan ka dhacay xafiiska Oval-ka.<\/p>\n<p>Shirka jaraa\u2019id ee la qorsheeyay ayaa si lama filaan ah loo baajiyay iyadoo aan wax sabab ah la sheegin \u2014 arrin aan caadi ahayn. Si kastaba ha ahaatee, labada hoggaamiye ayaa hadallo dheer siiyeen koox yar oo wariyeyaal ah gudaha xafiiska Oval-ka.<\/p>\n<p>Booqashadan Netanyahu ayaa ahayd tii labaad ee uu ku tago Washington tan iyo markii Trump dib ugu laabtay talada, waxaana lagu soo qorsheeyay si degdeg ah \u2013 iyadoo ay kasoo wareegtay dhowr maalmood oo kaliya tan iyo markii Trump ku dhawaaqay canshuur dhan 17% oo uu Israa\u2019iil kusoo rogay, isagoo ugu magac daray \u201cMaalinta Xorriyadda.\u201d<\/p>\n<p>Trump wuxuu diiday inuu Israa\u2019iil \u2013 oo ah dalka ugu badan ee hela gargaarka milatari ee Mareykanka \u2013 ka dhaafo canshuuraha uu caalamka ku soo rogay, isagoo xusay in Mareykanka uu la daalaa dhacayo farqi ganacsi oo weyn oo kala dhaxeeya Israa\u2019iil.<\/p>\n<p>Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in uu Axaddii la kulmay Wasiirka Ganacsiga Mareykanka Howard Lutnick iyo Wakiilka Ganacsiga Jamieson Greer, waxyar kadib markii uu Washington soo gaaray.<\/p>\n<p>Netanyahu ayaa sidoo kale wada hadallo la yeeshay mas\u2019uuliyiin kale oo Mareykan ah si uu u xoojiyo xiriirka ganacsi iyo iskaashi dhaqaale oo labada dal u dhexeeya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado, 08 Abriil 2025 {CBB}\u00a0Madaxweyne Donald Trump ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Mareykanku bilaabayo wada-hadallo toos ah oo heer sare ah oo lala yeesho Iran Sabtida, si looga wada hadlo barnaamijkeeda nukliyeerka. Hadalkan ayuu jeediyay isagoo kulan kula yeeshay Aqalka Cad Ra\u2019iisul Wasaaraha Israa\u2019iil, Benjamin Netanyahu. Isagoo Isniintii ka hadlayay xafiiskiisa, Trump [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3100,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1,24],"tags":[],"class_list":["post-3099","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta","category-wareysiyada"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3099","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3099"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3099\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3101,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3099\/revisions\/3101"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3100"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3099"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3099"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3099"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}