{"id":3400,"date":"2025-04-15T07:29:20","date_gmt":"2025-04-15T07:29:20","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3400"},"modified":"2025-04-15T07:29:20","modified_gmt":"2025-04-15T07:29:20","slug":"ilhan-omar-oo-si-rasmi-ah-ugu-dhawaaqday-goaankeda-doorashada-soo-aadan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3400","title":{"rendered":"Ilhan Omar oo si rasmi ah ugu dhawaaqday Go,aankeda doorashada soo aadan,"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 15, April 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Xildhibaan Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay markale u tartamayso kursigeeda Aqalka Wakiillada, taasoo meesha ka saaraysa saadaasha ahayd inay u hanqal taagayso kursiga Senate-ka ee bannaan doona sanadka 2026.<\/p>\n<p>\u201cXilli ay xuquuqdeenna weerar wajahayaan, waa lama huraan in aan si adag uga hortagno fowdada, musuq-maasuqa, iyo arxandarrada maamulka Trump,\u201d ayay Omar ku sheegtay wareysi ay siisay Idaacadda Minnesota Public Radio.<\/p>\n<p>\u201cInnaga oo ku sugan Minnesota, waxaan ognahay in dadka abaabulan ay mar walba ka adkaan doonaan lacagta abaabulan. Ololaheena wuxuu diyaar u yahay in uu sii xoojiyo dadaalladii abaabul ee hore si aan u gaarno ka-qaybgal doorasho oo rikoor ah oo aan dib ugu soo celinno aqlabiyadda,\u201d ayay raacisay.<\/p>\n<p>Doorashadii ugu dambeysay ee degmada 5-aad ayay si sahlan ugu guuleysatay, iyadoo 50 dhibcood kaga adkaatay weriye Republican ah oo asal ahaan kasoo jeeda Ciraaq, Dalia al-Aqidi.<\/p>\n<p>Omar ayaa hore loogu tiri jiray dadka la hadal hayay inay beddeli karaan Sen. Tina Smith oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, taasoo bishii hore ku dhawaaqday inaysan markale u tartami doonin xilka Senate-ka.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_6_host\"><iframe loading=\"lazy\" id=\"aswift_6\" tabindex=\"0\" title=\"Advertisement\" src=\"https:\/\/googleads.g.doubleclick.net\/pagead\/ads?gdpr=0&amp;us_privacy=1---&amp;gpp_sid=-1&amp;client=ca-pub-1599381228913023&amp;output=html&amp;h=280&amp;adk=3335887252&amp;adf=3592617315&amp;pi=t.aa~a.2878201585~i.8~rp.4&amp;w=696&amp;abgtt=6&amp;fwrn=4&amp;fwrnh=100&amp;lmt=1744702065&amp;num_ads=1&amp;rafmt=1&amp;armr=3&amp;sem=mc&amp;pwprc=8351229868&amp;ad_type=text_image&amp;format=696x280&amp;url=https%3A%2F%2Fwww.hiiraanweyn.net%2F2025%2F04%2F15%2Filhan-omar-oo-si-rasmi-ah-ugu-dhawaaqday-goaankeda-doorashada-soo-aadan%2F&amp;fwr=0&amp;pra=3&amp;rh=174&amp;rw=696&amp;rpe=1&amp;resp_fmts=3&amp;wgl=1&amp;fa=27&amp;uach=WyJXaW5kb3dzIiwiMTAuMC4wIiwieDg2IiwiIiwiMTM1LjAuNzA0OS44NSIsbnVsbCwwLG51bGwsIjY0IixbWyJHb29nbGUgQ2hyb21lIiwiMTM1LjAuNzA0OS44NSJdLFsiTm90LUEuQnJhbmQiLCI4LjAuMC4wIl0sWyJDaHJvbWl1bSIsIjEzNS4wLjcwNDkuODUiXV0sMF0.&amp;dt=1744702054584&amp;bpp=2&amp;bdt=957&amp;idt=2&amp;shv=r20250410&amp;mjsv=m202504140101&amp;ptt=9&amp;saldr=aa&amp;abxe=1&amp;cookie=ID%3D047f31adfa20c313%3AT%3D1735894783%3ART%3D1744701884%3AS%3DALNI_MbZVZZEa0Dk5zrbb8NparG1xy4aYw&amp;gpic=UID%3D00000fc4a0092f43%3AT%3D1735894783%3ART%3D1744701884%3AS%3DALNI_MYMw1kQy1k2jXAbpPn5hPEaPuBDIQ&amp;eo_id_str=ID%3D13611222ae5bb97d%3AT%3D1735894783%3ART%3D1744701884%3AS%3DAA-AfjZGt6ILFKCXkTVvKT-q6vbj&amp;prev_fmts=0x0%2C728x90%2C1068x70%2C728x90&amp;nras=2&amp;correlator=7016481908640&amp;frm=20&amp;pv=1&amp;u_tz=180&amp;u_his=1&amp;u_h=768&amp;u_w=1366&amp;u_ah=728&amp;u_aw=1366&amp;u_cd=24&amp;u_sd=1&amp;dmc=8&amp;adx=142&amp;ady=1879&amp;biw=1351&amp;bih=641&amp;scr_x=0&amp;scr_y=0&amp;eid=95355973%2C95355975%2C42532524%2C95354562%2C95354564%2C31091740%2C95357877%2C95357716&amp;oid=2&amp;pvsid=825289818611540&amp;tmod=2112534190&amp;uas=0&amp;nvt=1&amp;ref=https%3A%2F%2Fwww.hiiraanweyn.net%2F&amp;fc=1408&amp;brdim=0%2C0%2C0%2C0%2C1366%2C0%2C0%2C0%2C1366%2C641&amp;vis=1&amp;rsz=%7C%7Cs%7C&amp;abl=NS&amp;fu=128&amp;bc=31&amp;bz=0&amp;td=1&amp;tdf=2&amp;psd=W251bGwsW251bGwsbnVsbCxudWxsLCJkZXByZWNhdGVkX2thbm9uIl0sbnVsbCwzXQ..&amp;nt=1&amp;pgls=CAEaBTYuNy4y&amp;ifi=7&amp;uci=a!7&amp;btvi=2&amp;fsb=1&amp;dtd=10859\" name=\"aswift_6\" width=\"696\" height=\"0\" frameborder=\"0\" marginwidth=\"0\" marginheight=\"0\" scrolling=\"no\" sandbox=\"allow-forms allow-popups allow-popups-to-escape-sandbox allow-same-origin allow-scripts allow-top-navigation-by-user-activation\" data-google-container-id=\"a!7\" aria-label=\"Advertisement\" data-load-complete=\"true\" data-google-query-id=\"COyJttfB2YwDFceWGQkd_yMjGg\" data-mce-fragment=\"1\"><\/iframe><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Isla markiiba, ku xigeenka guddoomiyaha gobolka Minnesota, Peggy Flanagan, oo ah Dimoqraadi, ayaa shaacisay inay tartamayso, halka Omar iyo musharraxiin kale oo la filayay ay ka gaabsadeen in ay wax sheegaan.<\/p>\n<p>Bishii Febraayo, Sen. Smith \u2013 oo markii hore xilka loogu magacaabay beddelkii Sen. Al Franken, kaasoo iscasilay kaddib eedo la xiriiray anshax xumo \u2013 ayaa sheegtay inay doonayso in ay waqti badan la qaadato qoyskeeda.<\/p>\n<p>\u201cGo\u2019aankan mid siyaasadeysan ma ahan, waa mid shakhsi ah. Laakiin waan fahamsanahay in dalku maanta si ka badan sidii hore ugu baahan yahay hoggaan horusocod ah,\u201d ayay tiri Smith.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa sidoo kale sheegay in uusan tartami doonin, taasoo Peggy Flanagan ka dhigeysa musharraxa Dimoqraadiga ee ugu sumcadda dheer tartanka illaa iyo hadda.<\/p>\n<p>\u201cWaqtigan xaadirka ah, ma doonayo inaan saameyn ku yeesho tartanka,\u201d ayuu yiri Walz bishii Febraayo. \u201cLaakiin waan ogahay inaan leenahay dad karti leh oo diyaarsan,\u201d ayuu raaciyay, isagoo tilmaamay in laga yaabo inuu u tartamo muddo-xileed saddexaad ee hogaaminta gobolka.<\/p>\n<p>Haddii la doorto, Flanagan \u2013 oo ka tirsan qowmiyadda Ojibwe \u2013 waxay noqon doontaa senatorkii shanaad ee kasoo jeeda qowmiyadaha asaliga ah ee Mareykanka, iyo tii labaad ee xilka haya xilligan, iyadoo ay wehelinayso Senator-ka Jamhuuriga ah ee Oklahoma, Markwayne Mullin.<\/p>\n<p>Dhinaca xisbiga Jamhuuriga, Adam Schwarze \u2013 oo horey uga tirsanaa ciidanka badda iyo ciiddanka gaarka ah ee Maraykanka \u2013 ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo kursiga, isagoo ku tilmaamay \u201chowshiisa ugu muhiimsan ee noloshiisa.\u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale, ciyaaryahankii hore ee Sacramento Kings, Royce White, ayaa isaguna shaaciyay inuu mar kale is sharaxayo. White ayaa hore ugu guuldarreystay doorashadii hordhaca ahayd ee Senet-ka xisbiga Jamhuuriga sanadkii 2024.<\/p>\n<p>Tartankan lagu beddelayo Sen. Smith ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Senate-ka Minnesota ee kursi furan tan iyo 2006, markaasoo Gov. Mark Dayton uusan mar kale u tartamin, halkaasna ay Sen. Amy Klobuchar ku garaacday xildhibaan Mark Kennedy oo Jamhuuri ahaa, farqi dhan 19 dhibcood.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 15, April 2025 {CBB}\u00a0Xildhibaan Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay markale u tartamayso kursigeeda Aqalka Wakiillada, taasoo meesha ka saaraysa saadaasha ahayd inay u hanqal taagayso kursiga Senate-ka ee bannaan doona sanadka 2026. \u201cXilli ay xuquuqdeenna weerar wajahayaan, waa lama huraan in aan si [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3401,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-3400","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3400","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3400"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3400\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3402,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3400\/revisions\/3402"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3401"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3400"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3400"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3400"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}