{"id":3481,"date":"2025-04-19T06:51:07","date_gmt":"2025-04-19T06:51:07","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3481"},"modified":"2025-04-19T06:51:07","modified_gmt":"2025-04-19T06:51:07","slug":"somaliland-oo-dowladda-soomaaliya-ku-eedaysay-dagaalkii-khamiistii-ka-dhacay-gobolka-sanaag","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3481","title":{"rendered":"Somaliland oo Dowladda Soomaaliya ku eedaysay dagaalkii Khamiistii ka dhacay gobolka Sanaag."},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti 19, April-2025 {CBB} \u2013<\/strong>\u00a0Somaliland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug lahayd dagaalkii Khamiistii dhex maray ciidamadeeda iyo maamulka SSC-Khaatumo ee ka dhacay deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag.<\/p>\n<p>Bayaan ay Jimcihii soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayay ku sheegtay in Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo dhawaan booqday magaalada Laascaanood, uu door ku lahaa abaabulka rabshadaha, iyadoo lagu eedeeyay inuu doonayay inuu xasilooni darro ka abuuro Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cFicilladan waxay halis weyn ku yihiin xasilloonida gobolka, waxayna baal marsan yihiin mabaa\u2019diida madax-bannaanida iyo wada noolaanshaha nabadeed,\u201d ayaa lagu yiri bayaanka. \u201cInkasta oo Somaliland ay weligeed ahayd tiir nabadeed iyo iskaashi ku dhisan Geeska Afrika, hurinta colaadda waxay carqaladeynaysaa dadaallada socda ee xasilloonida gobolka lagu sugayo.\u201d<\/p>\n<p>Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijisay in Somaliland ay ka go\u2019an tahay difaaca waxa ay ugu yeerto midnimada dhulkeeda, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah uga hortagto xasaradaha sii kordhaya.<\/p>\n<p>Dhankiisa, maamulka SSC-Khaatumo ayaa Khamiistii fiidkii soo saaray bayaan uu ku eedeeyay ciidanka Somaliland inay weerar ku qaadeen dad reer guuraa ah oo ku sugan gobolka. Maamulka ayaa mar kale ku celiyay in uu ka go\u2019an yahay difaaca dadkiisa iyo dhulkiisa.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_6_host\"><iframe loading=\"lazy\" id=\"aswift_6\" tabindex=\"0\" title=\"Advertisement\" src=\"https:\/\/googleads.g.doubleclick.net\/pagead\/ads?gdpr=0&amp;us_privacy=1---&amp;gpp_sid=-1&amp;client=ca-pub-1599381228913023&amp;output=html&amp;h=280&amp;adk=3335887252&amp;adf=4154436425&amp;pi=t.aa~a.2878201585~i.8~rp.4&amp;w=696&amp;abgtt=6&amp;fwrn=4&amp;fwrnh=100&amp;lmt=1745045396&amp;num_ads=1&amp;rafmt=1&amp;armr=3&amp;sem=mc&amp;pwprc=8351229868&amp;ad_type=text_image&amp;format=696x280&amp;url=https%3A%2F%2Fwww.hiiraanweyn.net%2F2025%2F04%2F19%2Fsomaliland-oo-dowladda-soomaaliya-ku-eedaysay-dagaalkii-khamiistii-ka-dhacay-gobolka-sanaag%2F&amp;fwr=0&amp;pra=3&amp;rh=174&amp;rw=696&amp;rpe=1&amp;resp_fmts=3&amp;wgl=1&amp;fa=27&amp;uach=WyJXaW5kb3dzIiwiMTAuMC4wIiwieDg2IiwiIiwiMTM1LjAuNzA0OS45NiIsbnVsbCwwLG51bGwsIjY0IixbWyJHb29nbGUgQ2hyb21lIiwiMTM1LjAuNzA0OS45NiJdLFsiTm90LUEuQnJhbmQiLCI4LjAuMC4wIl0sWyJDaHJvbWl1bSIsIjEzNS4wLjcwNDkuOTYiXV0sMF0.&amp;dt=1745045232020&amp;bpp=1&amp;bdt=1919&amp;idt=1&amp;shv=r20250417&amp;mjsv=m202504150101&amp;ptt=9&amp;saldr=aa&amp;abxe=1&amp;cookie=ID%3D047f31adfa20c313%3AT%3D1735894783%3ART%3D1745045050%3AS%3DALNI_MbZVZZEa0Dk5zrbb8NparG1xy4aYw&amp;gpic=UID%3D00000fc4a0092f43%3AT%3D1735894783%3ART%3D1745045050%3AS%3DALNI_MYMw1kQy1k2jXAbpPn5hPEaPuBDIQ&amp;eo_id_str=ID%3D13611222ae5bb97d%3AT%3D1735894783%3ART%3D1745045050%3AS%3DAA-AfjZGt6ILFKCXkTVvKT-q6vbj&amp;prev_fmts=0x0%2C728x90%2C728x90%2C1068x70&amp;nras=2&amp;correlator=421094970439&amp;frm=20&amp;pv=1&amp;u_tz=180&amp;u_his=1&amp;u_h=768&amp;u_w=1366&amp;u_ah=728&amp;u_aw=1366&amp;u_cd=24&amp;u_sd=1&amp;dmc=8&amp;adx=142&amp;ady=1834&amp;biw=1351&amp;bih=641&amp;scr_x=0&amp;scr_y=0&amp;eid=95357427%2C95355973%2C95355975%2C42532523%2C95354564%2C95357461%2C95357877%2C31090358%2C95357716&amp;oid=2&amp;pvsid=2910146366733003&amp;tmod=1184420651&amp;uas=0&amp;nvt=1&amp;ref=https%3A%2F%2Fwww.hiiraanweyn.net%2F&amp;fc=1408&amp;brdim=0%2C0%2C0%2C0%2C1366%2C0%2C0%2C0%2C1366%2C641&amp;vis=1&amp;rsz=%7C%7Cs%7C&amp;abl=NS&amp;fu=128&amp;bc=31&amp;bz=0&amp;td=1&amp;tdf=2&amp;psd=W251bGwsW251bGwsbnVsbCxudWxsLCJkZXByZWNhdGVkX2thbm9uIl0sbnVsbCwzXQ..&amp;nt=1&amp;pgls=CAEaAzYuOA..&amp;ifi=7&amp;uci=a!7&amp;btvi=2&amp;fsb=1&amp;dtd=M\" name=\"aswift_6\" width=\"696\" height=\"0\" frameborder=\"0\" marginwidth=\"0\" marginheight=\"0\" scrolling=\"no\" sandbox=\"allow-forms allow-popups allow-popups-to-escape-sandbox allow-same-origin allow-scripts allow-top-navigation-by-user-activation\" data-google-container-id=\"a!7\" aria-label=\"Advertisement\" data-load-complete=\"true\" data-google-query-id=\"CJzSm9jA44wDFaEpBgAdwlEOtg\" data-mce-fragment=\"1\"><\/iframe><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Dagaalka ayaa imaanaya iyadoo ay sare u kacday xiisadda la xiriirta gacan ku haynta gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) \u2013 kuwaas oo ay SSC-Khaatumo sheegato inay maamusho, balse ay Somaliland iyo Puntland labaduba sheegtaan.<\/p>\n<p>Colaaddan ayaa dib u qaraxday kaddib booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Ra\u2019iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre dhawaan ku tegay Laascaanood, caasimadda maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, halkaas oo uu ballanqaaday taageero iyo hirgelinta mashaariic horumarineed.<\/p>\n<p>Dagaalka labada dhinac ayaa si xawli ah u kordhay tan iyo horraantii 2023, kaddib kacdoon shacabka ah oo ka dhacay Laascaanood, kaasoo sababay in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti 19, April-2025 {CBB} \u2013\u00a0Somaliland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug lahayd dagaalkii Khamiistii dhex maray ciidamadeeda iyo maamulka SSC-Khaatumo ee ka dhacay deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag. Bayaan ay Jimcihii soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayay ku sheegtay in Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo dhawaan booqday magaalada Laascaanood, uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3482,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-3481","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3481","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3481"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3481\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3483,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3481\/revisions\/3483"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3482"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3481"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3481"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3481"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}