{"id":3522,"date":"2025-04-20T10:23:21","date_gmt":"2025-04-20T10:23:21","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3522"},"modified":"2025-04-20T10:23:21","modified_gmt":"2025-04-20T10:23:21","slug":"mareykanka-oo-qabtay-nin-soomaali-ah-oo-dhac-ugaystay-dad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3522","title":{"rendered":"Mareykanka oo qabtay nin Soomaali ah oo dhac ugaystay dad"},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 20, April-2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Ciidamada Ilaalada Xuduudaha Mareykanka ayaa Khamiistii shaaciyay inay horaantii bishan xuduudda waqooyi ee Mareykanka ku qabteen muhaajir Soomaali ah oo si sharci darro ah dalka ku soo galay, kaasoo horay loogu xukumay fal dhac banki oo hubaysan ah sanadkii 2007.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka (CBP) ayaa caddaysay in saraakiisheedu ay 7-dii April qabteen Xasan Maxamed oo 43 jir ah, kadib markii uu muwaadin dareen qabay soo wargeliyay in la jabsaday dhisme maqsin ah oo ku yaallay meel u dhow Fort Covington, New York.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_6_host\"><iframe loading=\"lazy\" id=\"aswift_6\" tabindex=\"0\" title=\"Advertisement\" src=\"https:\/\/googleads.g.doubleclick.net\/pagead\/ads?gdpr=0&amp;us_privacy=1---&amp;gpp_sid=-1&amp;client=ca-pub-1599381228913023&amp;output=html&amp;h=280&amp;adk=3335887252&amp;adf=3592617315&amp;pi=t.aa~a.2878201585~i.2~rp.4&amp;w=696&amp;abgtt=6&amp;fwrn=4&amp;fwrnh=100&amp;lmt=1745144527&amp;num_ads=1&amp;rafmt=1&amp;armr=3&amp;sem=mc&amp;pwprc=8351229868&amp;ad_type=text_image&amp;format=696x280&amp;url=https%3A%2F%2Fwww.hiiraanweyn.net%2F2025%2F04%2F20%2Fmareykanka-oo-qabtay-nin-soomaali-ah-oo-dhac-ugaystay-dad%2F&amp;fwr=0&amp;pra=3&amp;rh=174&amp;rw=696&amp;rpe=1&amp;resp_fmts=3&amp;wgl=1&amp;fa=27&amp;uach=WyJXaW5kb3dzIiwiMTAuMC4wIiwieDg2IiwiIiwiMTM1LjAuNzA0OS45NiIsbnVsbCwwLG51bGwsIjY0IixbWyJHb29nbGUgQ2hyb21lIiwiMTM1LjAuNzA0OS45NiJdLFsiTm90LUEuQnJhbmQiLCI4LjAuMC4wIl0sWyJDaHJvbWl1bSIsIjEzNS4wLjcwNDkuOTYiXV0sMF0.&amp;dt=1745144526964&amp;bpp=1&amp;bdt=1748&amp;idt=1&amp;shv=r20250417&amp;mjsv=m202504150101&amp;ptt=9&amp;saldr=aa&amp;abxe=1&amp;cookie=ID%3D047f31adfa20c313%3AT%3D1735894783%3ART%3D1745144406%3AS%3DALNI_MbZVZZEa0Dk5zrbb8NparG1xy4aYw&amp;gpic=UID%3D00000fc4a0092f43%3AT%3D1735894783%3ART%3D1745144406%3AS%3DALNI_MYMw1kQy1k2jXAbpPn5hPEaPuBDIQ&amp;eo_id_str=ID%3D13611222ae5bb97d%3AT%3D1735894783%3ART%3D1745144406%3AS%3DAA-AfjZGt6ILFKCXkTVvKT-q6vbj&amp;prev_fmts=0x0%2C728x90%2C728x90%2C1068x70%2C728x90&amp;nras=2&amp;correlator=7888199182669&amp;frm=20&amp;pv=1&amp;u_tz=180&amp;u_his=1&amp;u_h=768&amp;u_w=1366&amp;u_ah=728&amp;u_aw=1366&amp;u_cd=24&amp;u_sd=1&amp;dmc=8&amp;adx=142&amp;ady=1442&amp;biw=1351&amp;bih=641&amp;scr_x=0&amp;scr_y=200&amp;eid=95357427%2C95355972%2C95355974%2C31091334%2C95355501%2C95354563%2C95344790%2C95357877%2C95357716%2C95340253%2C95340255&amp;oid=2&amp;pvsid=4475717230917345&amp;tmod=176417118&amp;uas=3&amp;nvt=1&amp;ref=https%3A%2F%2Fwww.hiiraanweyn.net%2F&amp;fc=1408&amp;brdim=0%2C0%2C0%2C0%2C1366%2C0%2C1366%2C728%2C1366%2C641&amp;vis=1&amp;rsz=%7C%7Cs%7C&amp;abl=NS&amp;fu=128&amp;bc=31&amp;bz=1&amp;td=1&amp;tdf=2&amp;psd=W251bGwsW251bGwsbnVsbCxudWxsLCJkZXByZWNhdGVkX2thbm9uIl0sbnVsbCwzXQ..&amp;nt=1&amp;pgls=CAEaAzYuOA..&amp;ifi=7&amp;uci=a!7&amp;btvi=3&amp;fsb=1&amp;dtd=488\" name=\"aswift_6\" width=\"696\" height=\"0\" frameborder=\"0\" marginwidth=\"0\" marginheight=\"0\" scrolling=\"no\" sandbox=\"allow-forms allow-popups allow-popups-to-escape-sandbox allow-same-origin allow-scripts allow-top-navigation-by-user-activation\" data-google-container-id=\"a!7\" aria-label=\"Advertisement\" data-load-complete=\"true\" data-google-query-id=\"CJjW4v2x5owDFUZJHQkdLyIONg\" data-mce-fragment=\"1\"><\/iframe><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Sida ay hay\u2019addu sheegtay, ninkani ma haysan wax ogolaansho sharci ah oo u fasaxayay inuu Mareykanka sii joogo ama si sharci ah dalka ugu dhex noolaado xilligii la qabanayay. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay inuu ku dhowaad labaatan sano ka hor gobolka Missouri ugu xukunaa fal dhac banki oo hubaysan ah, taasi oo uu ku muteystay 93 bilood oo xarig ah.<\/p>\n<p>\u201cMa buunbuunin karno muhiimadda ay leedahay in dadweynuhu soo wargeliyaan dhaqdhaqaaq kasta oo shaki dhaliya, qabashadani waa tusaalaha ugu wanaagsan ee arrintaas,\u201d ayuu yiri Dustin Judd, Taliyaha Saldhigga Ilaalada Xuduudaha ee Burke.<\/p>\n<p>\u201cWaxaynu wada leenahay mas\u2019uuliyadda ah inaan ka qayb qaadanno sidii bulshooyinkeena aan uga dhigi lahayn meelo nabdoon iyo sidii aan u adkeyn lahayn ammaanka xuduudaha dalkeenna. Haddii aad wax aragto, soo sheeg.\u201d<\/p>\n<p>Eedeysanaha ayaa hadda wajahaya dacwad ah dib-u-soo-galid sharci darro ah oo uu dalka ku yimid kadib markii hore looga masaafuriyay, taasoo salka ku haysa xukun hore oo maxkamadi ku heshay dembi culus (aggravated felony). Masaafurintiisa hore waxaa amartay maxkamad sanadkii 2017.<\/p>\n<p>Ciidanka xuduudaha Mareykanka ayaa sido kale xabsiga dhigay muwaadin Soomaali ah 10-kii April kaddib markii uu si sharci-darro ah uga soo gudbay dalka Canada, xilli maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dib u billaabay ol\u2019ole lagu adkaynayo siyaasadaha socdaalka ee dalka oo dhan.<\/p>\n<p>Ninkan oo lagu magacaabo Yusuf Mohamed Ali ayaa la qabtay Khamiistii, 10-ka April, meel u dhow magaalada Blaine ee gobolka Washington, kaddib markii uu kasoo galay xadka dhinaca koonfureed ee Surrey, British Columbia, Canada.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiinta Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Ali uu horey ugu lahaa dalka taariikh la xiriirta socdaal sharci-darro ah iyo dambiyo kale, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira maandooriyaha. Wuxuu wajahaya dacwad ku saabsan ku-soo-noqosho sharci-darro ah kaddib markii horey loo masaafuriyay (8 U.S. Code \u00a7 1326), waxaana la filayaa in dib loogu celiyo Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 20, April-2025 {CBB}\u00a0Ciidamada Ilaalada Xuduudaha Mareykanka ayaa Khamiistii shaaciyay inay horaantii bishan xuduudda waqooyi ee Mareykanka ku qabteen muhaajir Soomaali ah oo si sharci darro ah dalka ku soo galay, kaasoo horay loogu xukumay fal dhac banki oo hubaysan ah sanadkii 2007. Hay\u2019adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka (CBP) ayaa caddaysay in saraakiisheedu ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3523,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-3522","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3522","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3522"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3522\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3525,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3522\/revisions\/3525"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3523"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3522"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3522"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3522"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}