{"id":3567,"date":"2025-04-22T18:19:00","date_gmt":"2025-04-22T18:19:00","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3567"},"modified":"2025-04-22T18:19:00","modified_gmt":"2025-04-22T18:19:00","slug":"shir-looga-hadlayo-arrimaha-biniadamnimada-oo-maanta-ka-furmay-magaalada-gaalkacyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3567","title":{"rendered":"Shir Looga Hadlayo Arrimaha Bini\u2019adamnimada oo maanta ka furmay Magaalada Gaalkacyo"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado, 22 April , 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobolleedka Galmudug ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani\u2019aadannimada Soomaaliya (CHF -2025) oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya gargaarka, raadinta xal waara oo ku aaddan la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta hannaanka gurmadka deg-degga ah.<\/p>\n<p>Maxamuud Macalim ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad bani\u2019aadannimo oo adag iyo dhibaatooyin is biirsaday, sida roob yaridii Deyrta, is-raaca Guga (Gu\u2019) oo aan rajo badan laga qabin iyo halista sii kordheysa La Nina goobaha qaar, taas oo si weyn u saameysay nolosha malaayiin qof.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Hay\u2019adda SoDMA Maxamuud Macalim ayaa si gaar ah u xusay in dhibaatada ay uga sii darayaan xaaladaha barakaca, amni darrada, iyo yaraanta maalgelinta gargaarka, waxaana madasha shirkaan goob joog ah wakiilo ka socda Hay\u2019addaha Bini\u2019adamnimada ee Caalamka.<\/p>\n<p>Shirkaan waxaa ka qeybgalayo Wasiirada Wasaaraha Gargaarka dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, Wasiiro ka tirsan Galmudug, maamulka gobolka Mudug, hay\u2019addaha deeqaha bixiya, kuwa ka shaqeeya arrimaha Banii\u2019aadanimada, Safiiro iyo marti sharaf kale duwan.<\/p>\n<p>Muddada uu socdo ayay madaxdaan ku lafa guri doonaan xal u helida arrimaha la xiriira isbadelada cimilada iyo xoojinta hanaanka gurmadka Deg Dega, waxaana sanadkiiba la qabtaa sedex jeer waxaana sanadkaan hal kudhig u ah xoojinta iyo u adkeeysiga arrimaha bini\u2019adamnimada Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado, 22 April , 2025 {CBB}\u00a0Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobolleedka Galmudug ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani\u2019aadannimada Soomaaliya (CHF -2025) oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya gargaarka, raadinta xal waara oo ku aaddan la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta hannaanka gurmadka deg-degga ah. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3568,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-3567","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3567","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3567"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3567\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3569,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3567\/revisions\/3569"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3568"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3567"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3567"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3567"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}