{"id":3602,"date":"2025-04-24T10:11:37","date_gmt":"2025-04-24T10:11:37","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3602"},"modified":"2025-04-25T10:13:02","modified_gmt":"2025-04-25T10:13:02","slug":"maxamuud-cabbaas-madaxweynaha-falastiin-oo-xamaas-u-diray-farriin-uu-kaga-dalbanayo-dhowr-arrimood","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3602","title":{"rendered":"Maxamuud Cabbaas madaxweynaha Falastiin oo Xamaas u diray farriin uu kaga dalbanayo dhowr arrimood"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 24, April 2025 {CBB} \u2013<\/strong>\u00a0Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ugu baaqay Xamaas in ay sii daayaan la haystayaasha, kana tanaasulaan mas\u2019uuliyadda marinka Qasa, hubkoodana u dhiibaan maamulka Falastiin, iskuna beddelaan xisbi siyaasadeed.<\/p>\n<p>Khudbad uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 32-aad ee golaha dhexe ee Falastiiniyiinta oo Arbacadii shalay ka furmay magaalada Ramallah, ayuu Cabbaas ku yiri, \u201cXamaas waxay siisay ciidamada gumeysiga fursad ay ku fuliyaan xadgudubyadooda ka dhacaya Marinka Qasa, gaar ahaan afduubka dadka,\u201d.<\/p>\n<p>Cabbaas waxa uu xusay in hoggaanka Falastiin uu soo jeedinayo afar arrimood oo kala ah: \u201cIn la joojiyo dagaalka Qasa, ka bixitaanka ciidamada Israa\u2019iil, in la qaado go\u2019doominta marinka, hubinta gargaarka bini\u2019aadantinimo oo dadka la gaarsiiyo, ka hortagga barakicinta shacabka iyo hubinta inay sii joogaan dhulkooda, ilaalinta qadiyadda Falastiin heer caalami ah, iyo inay u dhaqmaan si waafaqsan sharciga caalamiga ah\u201d.<\/p>\n<p>Waxa uu fariin adag u diray Xamaas, isagoo ka dalbanaya inay sii daayaan la haystayaasha Israa\u2019iil ee ay gacanta ku hayaan.<\/p>\n<p>Abbaas wuxuu adkeeyey baahida ah in Xamaas ay wadahadal la gasho Maamulka Falastiin halkii ay kala hadli lahaayeen Maraykanka, isagoo yiri, \u201cAdduunku waa mid aan caddaalad ahayn, Maraykankuna waa mid aan caddaalad ahayn.\u201d<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 24, April 2025 {CBB} \u2013\u00a0Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ugu baaqay Xamaas in ay sii daayaan la haystayaasha, kana tanaasulaan mas\u2019uuliyadda marinka Qasa, hubkoodana u dhiibaan maamulka Falastiin, iskuna beddelaan xisbi siyaasadeed. Khudbad uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 32-aad ee golaha dhexe ee Falastiiniyiinta oo Arbacadii shalay ka furmay magaalada Ramallah, ayuu Cabbaas [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3603,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-3602","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3602","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3602"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3602\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3604,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3602\/revisions\/3604"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3603"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3602"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3602"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3602"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}