{"id":3616,"date":"2025-04-24T10:19:42","date_gmt":"2025-04-24T10:19:42","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3616"},"modified":"2025-04-25T10:21:00","modified_gmt":"2025-04-25T10:21:00","slug":"dowladda-soomaaliya-oo-difaacday-heshiisyo-ay-la-gashay-turkiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3616","title":{"rendered":"Dowladda soomaaliya oo difaacday heshiisyo ay la gashay turkiga"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 24, April 2025 {CBB} \u2013<\/strong>Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Balcad, ayaa si adag u difaacay heshiiska tamarta (Hydrocarbons) ee dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo ku tilmaamay mid taariikhi ah oo iftiiminaya rajo cusub oo dhaqaale iyo horumar loogu tallaabsanayo.<\/p>\n<p>Mudane Cali Balcad ayaa sheegay in heshiiskan uu u gogol xaarayo in Soomaaliya ay noqoto dal si buuxda u faa\u2019iideysta kheyraadkeeda dabiiciga ah, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah. Wuxuu carabka ku adkeeyay in heshiiskaasi uu dalka ka caawin doono yareynta ku tiirsanaanta shidaalka dibadda laga keeno, kor u qaadidda shaqo-abuurka dhalinyarada, iyo kobcinta dhaqaalaha guud ee dalka.<\/p>\n<p>\u201cHeshiiska Turkiga iyo Soomaaliya waa tallaabo istaraatiiji ah oo qayb ka ah hanashada madax-bannaanida dhaqaale, wuxuuna muujinayaa kalsoonida uu dal saaxiib ah oo sida Turkiga ah ku qabo horumarka iyo mustaqbalka Soomaaliya,\u201d ayuu yiri Wasiiru Dowlaha.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiirku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in heshiiska uusan ahayn oo keliya mid ku saleysan tamar, balse uu yahay go\u2019aan qaran oo ujeeddadiisu tahay horumarinta mustaqbalka dadka Soomaaliyeed iyo sugidda karaamada qaranka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 24, April 2025 {CBB} \u2013Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Balcad, ayaa si adag u difaacay heshiiska tamarta (Hydrocarbons) ee dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo ku tilmaamay mid taariikhi ah oo iftiiminaya rajo cusub oo dhaqaale iyo horumar loogu tallaabsanayo. Mudane Cali Balcad ayaa sheegay in heshiiskan uu u gogol xaarayo in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3617,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-3616","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3616","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3616"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3616\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3618,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3616\/revisions\/3618"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3617"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3616"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3616"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3616"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}