{"id":3679,"date":"2025-04-27T17:06:15","date_gmt":"2025-04-27T17:06:15","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3679"},"modified":"2025-04-27T17:06:15","modified_gmt":"2025-04-27T17:06:15","slug":"hoggaamiyaha-ssc-khaatumo-oo-ku-wajahan-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3679","title":{"rendered":"Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo ku wajahan Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad, 27 Abriil, 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa inuu soo gaaro hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), kaasi oo heysta casuumaad rasmi ah oo ku saabsan ka-qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.<\/p>\n<p>Shirka Madasha oo si rasmi ah u furmaya maalmaha 1-da ilaa 2-da bisha soo socota, ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan dhammaan madaxda maamul-goboleedyada dalka, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).<\/p>\n<p>Puntland ayaa ka biyo-diiday ka-qeybgalka shirkan iyadoo ku xirtay shuruud ah in laga laabto isbeddelkii lagu sameeyay afar cutub oo ka mid ah dastuurka Kumeelgaarka ah, halka Jubbaland aan lagu casuumin gabi ahaanba madasha.<\/p>\n<p>Ka-qeybgalka SSC-Khaatumo ee shirkan ayaa ah mid taariikhi ah, maadaama ay markii ugu horraysay fursad u helayaan inay fadhiistaan miiska siyaasadda heer qaran ee Soomaaliya, isla markaana ay si toos ah uga qeyb qaataan go\u2019aanada masiiriga ah ee dalka.<\/p>\n<p>Shirka Madasha kadib, waxaa Muqdisho ka bilaaban doona shir ballaaran oo diiradda lagu saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Shirkan labaad waxaa lagu casuumay saamilayda siyaasadeed ee dalka iyo wakiillada ururrada bulshada rayidka ah, waxaana lagu falanqeyn doonaa sidii loo mideyn lahaa dadaallada amni iyo kuwa siyaasadeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad, 27 Abriil, 2025 {CBB}\u00a0Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa inuu soo gaaro hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), kaasi oo heysta casuumaad rasmi ah oo ku saabsan ka-qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga Qaran. Shirka Madasha oo si rasmi ah u furmaya maalmaha 1-da ilaa 2-da bisha soo socota, ayaa la filayaa inay ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3359,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-3679","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3679","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3679"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3679\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3680,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3679\/revisions\/3680"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3359"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3679"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3679"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3679"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}