{"id":3685,"date":"2025-04-27T17:23:01","date_gmt":"2025-04-27T17:23:01","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3685"},"modified":"2025-04-27T17:23:01","modified_gmt":"2025-04-27T17:23:01","slug":"wafdi-ka-socda-ruushka-oo-kulamo-la-leh-madaxda-sare-ee-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3685","title":{"rendered":"Wafdi ka socda Ruushka oo kulamo la leh Madaxda sare ee dalka."},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad, 27 Abriil, 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Wafdi sare oo ka socda dowladda Ruushka, oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Mikhail Bogdanov, ahna Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe iyo Wadamada Afrika ayaa kulamo la filayaa in ay la yeeshaan Madaxda sare ee dalka.<\/p>\n<p>Wafdigan oo ku sugan Muqdisho ayaa ujeedkoodu yahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dowladood, iyadoo la doonayo in dib loo bilaabo iskaashi ballaaran oo ku saleysan danaha wadaagga ah.<\/p>\n<p>Labada dhinac ayaa qorsheynaya inay iskaashi dhow ka yeeshaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo mashaariicda horumarineed ee labada dal ka faa\u2019iideysan karaan.<\/p>\n<p>Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin, sidii looga shaqey lahaa horrumarinta xiriirka iskaashi ee Ruushka iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Mikhail Bogdanov, ayaa tilmaamay in Ruushka uu aad u daneynayo inuu sare u qaado xiriirka Soomaaliya, isagoo sheegay in, Ruushka uu garab taagan yahay Soomaaliya, kana go\u2019an tahay inuu xoojiyo taageerada ay siiso dadaallada nabadda, xasilloonida, iyo horumarka.\u201d<\/p>\n<p>Wafdiga Ruushka ayaa la filayaa inay kulammo la yeeshaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, si loo dardargeliyo heshiisyo iyo iskaashi rasmi ah loo gaaro.<\/p>\n<p>Xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka ayaa leh taariikh dheer oo soo jireen ah, waxaana hadda muuqata dadaallo cusub oo lagu doonayo in xiriirkaasi sare loo qaado.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad, 27 Abriil, 2025 {CBB}\u00a0Wafdi sare oo ka socda dowladda Ruushka, oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Mikhail Bogdanov, ahna Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe iyo Wadamada Afrika ayaa kulamo la filayaa in ay la yeeshaan Madaxda sare ee dalka. Wafdigan oo ku sugan Muqdisho ayaa ujeedkoodu yahay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3686,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-3685","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3685","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3685"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3685\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3688,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3685\/revisions\/3688"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3686"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3685"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3685"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3685"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}