{"id":3695,"date":"2025-04-27T17:31:09","date_gmt":"2025-04-27T17:31:09","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3695"},"modified":"2025-04-27T17:31:09","modified_gmt":"2025-04-27T17:31:09","slug":"wasaaradda-batroolka-oo-ganacsatada-soomaliyeed-ku-war-gelisay-xeer-waajib-ku-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3695","title":{"rendered":"Wasaaradda batroolka oo ganacsatada soomaliyeed ku war gelisay xeer waajib ku ah"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti, 26 Abriil, 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wargelisay dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ee soo dejiya shidaalka, kuwa ka ganacsada tafaariiqaynta shidaalka iyo kaalimaha shidaalka dhaqangelidda Xeer nidaamiyaha Dareera-hoosaadka Batroolka tirisgiisu yahay Lr.120 soona baxay 30 Maarso 2023.<\/p>\n<p>Wasaaradda ay war ay maanta soo saartay ku sheegtay in arintaan ay tahay mid waajib ka saaran Wasaaradda ayna qaaday tallaabadaani Iyadoo gudanaysa xilkeeda sharci ee kaga aaddan nidaaminta suuqa shidaalka Soomaaliya si kor loogu qaado tayada shidaalka imaanaya dalka iyo isku dheelitirnaanta suuqa.<\/p>\n<p>Xeer nidaamiyaha Dareera-hoosaadka Batroolka tirisgiisu yahay Lr.120 soona baxay 30 Maarso 2023, wuxuu u xilsaarayaa Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, iyadoo kaashanaysa Hay\u2019adda Tayadhowrka Soomaaliyeed, hubinta iyo ilaalinta tayada Batroolka loo soo dhoofiyo dalka iyo mid looga ganacsado kaalimaha shidaallada ee kala duwan.<\/p>\n<p>Sidoo kale xeer nidaamiyahaan ayaa xoogga waxa uu saarayaa awoodda sharci ee ah ruqsad-siinta, baarista shidaalka dalka loo soo dhoofiyo iyo kuwa looga ganacsado kaalimaha shidaalka si loo hubiyo in tayadiisa tahay mid u hoggaansan halbeegyada ku cad Xeer-nidaamiyaha.<\/p>\n<p>Ugu dambeeyn waxa ay wasaaraddu sheegtay inay dhaqangelinayso xeer-nidaamiyaha kor lagu tilmaamay iyadoo la kaashanaysa hay\u2019addaha kale ee dowladeed ee shaqada ku leh iyo ganacsatada uu khusayso dhaqangelinta Xeer-nidaamiyahaan.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-3697\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/bayaan-240x300.jpg\" alt=\"\" width=\"240\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/bayaan-240x300.jpg 240w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/bayaan-336x420.jpg 336w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/bayaan-640x800.jpg 640w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/bayaan.jpg 660w\" sizes=\"auto, (max-width: 240px) 100vw, 240px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti, 26 Abriil, 2025 {CBB}\u00a0Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wargelisay dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ee soo dejiya shidaalka, kuwa ka ganacsada tafaariiqaynta shidaalka iyo kaalimaha shidaalka dhaqangelidda Xeer nidaamiyaha Dareera-hoosaadka Batroolka tirisgiisu yahay Lr.120 soona baxay 30 Maarso 2023. Wasaaradda ay war ay maanta soo saartay ku sheegtay in arintaan ay tahay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3696,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-3695","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3695","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3695"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3695\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3698,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3695\/revisions\/3698"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3696"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3695"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3695"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3695"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}