{"id":3718,"date":"2025-04-28T07:34:22","date_gmt":"2025-04-28T07:34:22","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3718"},"modified":"2025-04-30T07:35:24","modified_gmt":"2025-04-30T07:35:24","slug":"taliyihii-ciidanka-daraawiishta-ssc-khaatumo-oo-xilkii-iska-casilay-sababta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3718","title":{"rendered":"Taliyihii ciidanka daraawiishta SSC Khaatumo oo xilkii iska casilay + Sababta"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 28, April 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Taliyihii ciidanka daraawiishta maamulka SSC Khaatumo Jeneraal Saleebaan Barre Geesood, ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay, waxa uuna warqada iscasilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha maamulka Khaatumo Firdhiye.<\/p>\n<p>Warqada iscasilaada taliyaha , kuma sheegin sababta rasmiga ah ee ku kaliftay, waxa uuna caddeeyay in uu go\u2019aansaday in uu gabi ahaan iska casilay xilka taliyaha uu muddo hayay, waxa uuna u mahadceliyay Madaxweynaha Khaatumo oo horey xilkan ugu magacaabay.<\/p>\n<p>\u201dMa doonayo sababaha keenay in aan is casilo in aan waqradan ku qoro, waxaanse kaliya halkan ku caddeenayaa in aan sii wadi karin xilkaa iyo shaqadaa aan u hayay ciidanka daraawiishta SSC Khaatumo\u201d ayuu qoraalkiisa ku yiri Jeneraal Geesood.<\/p>\n<p>Warar soo baxaya oon helnay, ayaa sheegaya in sababta iscasilaada taliyaha in ay salka ku heyso khilaaf muddooyinkii lasoo dhaafay u dhaxeeyay Madaxweyne Fardhiye iyo taliye Geesood, taa oo ugu dambeyn maanta keentay in uu is casilo taliyaha.<\/p>\n<p>Taliyahan iscasilay ayaa horey usoo noqday taliye kuxigeenkii ciidanka milatariga Somaliland kahor inta aan Somaliland laga saarin magaalada Laascaanood, waxa uuna sargaalkan kasoo goostay ciidanka Somaliland, isaga oo qeyb ka noqday ciidankii Somaliland ka saaray Laascaanood.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 28, April 2025 {CBB}\u00a0Taliyihii ciidanka daraawiishta maamulka SSC Khaatumo Jeneraal Saleebaan Barre Geesood, ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay, waxa uuna warqada iscasilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha maamulka Khaatumo Firdhiye. Warqada iscasilaada taliyaha , kuma sheegin sababta rasmiga ah ee ku kaliftay, waxa uuna caddeeyay in uu go\u2019aansaday in uu gabi ahaan iska casilay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3719,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-3718","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3718","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3718"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3718\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3720,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3718\/revisions\/3720"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3719"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3718"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3718"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3718"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}