{"id":3727,"date":"2025-04-28T07:39:30","date_gmt":"2025-04-28T07:39:30","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3727"},"modified":"2025-04-30T07:40:25","modified_gmt":"2025-04-30T07:40:25","slug":"dowladaha-soomaaliya-iyo-turkiga-oo-kawada-hadlay-arrimo-muhiim-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3727","title":{"rendered":"Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo kawada hadlay arrimo muhiim ah,"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 28, April 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda T\u00fcrkiye ee Soomaaliya, Danjire Alper Akta\u015f.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka horumarinta dekedaha, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka badda, si loo taageero kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiir Cabdulqaadir ayaa uga mahadceliyay Dowladda T\u00fcrkiye taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay go\u2019aanka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Danjire Alper Akta\u015f ayaa xaqiijiyay diyaar garowga T\u00fcrkiye ee ku aaddan taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda iskaashi waara oo labada dal dhexmara.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo sii dardargeliyo horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 28, April 2025 {CBB}\u00a0Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda T\u00fcrkiye ee Soomaaliya, Danjire Alper Akta\u015f. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka horumarinta dekedaha, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka badda, si [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3728,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-3727","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3727","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3727"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3727\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3729,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3727\/revisions\/3729"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3728"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3727"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3727"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3727"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}