{"id":3730,"date":"2025-04-29T07:42:39","date_gmt":"2025-04-29T07:42:39","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3730"},"modified":"2025-04-30T07:44:10","modified_gmt":"2025-04-30T07:44:10","slug":"maamulka-koonfur-galbeed-oo-walaac-ka-muujisay-xaaladda-baniaadanimo-ee-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3730","title":{"rendered":"Maamulka koonfur galbeed oo walaac ka muujisay xaaladda bani\u2019aadanimo ee Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 29, April 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka digay in xaaladda bani\u2019aadanimo ee Soomaaliya ay gaari karto heer aad u xun haddii la joojiyo gargaarka degdegga ah ee lagu taageero dadka tabaaleysan.<\/p>\n<p>\u201cHaddii la jaro gargaarka xilligan adag, waxaa dhici karta in dalka uu galo xaalad la mid ah tii 1991,\u201d ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maareynta Musiibooyinka iyo Gargaarka Bani\u2019aadamnimada ee Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Isaaq Ganey.<\/p>\n<p>Digniintan kasoo baxday maamulka Koonfur Galbeed ayaa imanaysa iyadoo abaaro daba dheeraaday, sicir-barar ba\u2019an, iyo colaado sokeeye ay ku sii fidayaan Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka.<\/p>\n<p>Horey, Dowladda Mareykanka ayaa u jaratay ku dhowaad $170 milyan oo gargaar ahaa oo loogu talagalay Soomaaliya, sida uu sheegay ururka samafalka ee Stand Up for Aid. Go\u2019aankan ayaa ku soo beegmaya xilli la saadaalinayo in ku dhowaad 4.4 milyan oo qof \u2014 oo ah 23% shacabka dalka \u2014 ay wajihi karaan xaalad macaluul ah sanadka 2025.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah uga digay in go\u2019aankan uu sii kordhin doono saameynta abaaraha, colaadaha, iyo sicir-bararka ku haya bulshada nugul.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay in carruurta ka yar shan sano ay noqon doonaan kuwa ugu nugul ee la ildaran doona nafaqo-darro, iyadoo la filayo in tiradoodu gaarto ilaa 1.7 milyan dhammaadka sannadkan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 29, April 2025 {CBB}\u00a0Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka digay in xaaladda bani\u2019aadanimo ee Soomaaliya ay gaari karto heer aad u xun haddii la joojiyo gargaarka degdegga ah ee lagu taageero dadka tabaaleysan. \u201cHaddii la jaro gargaarka xilligan adag, waxaa dhici karta in dalka uu galo xaalad la mid ah tii 1991,\u201d ayuu yiri Wasiir [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3731,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-3730","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3730","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3730"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3730\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3732,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3730\/revisions\/3732"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3731"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3730"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3730"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3730"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}