{"id":3795,"date":"2025-05-01T16:09:59","date_gmt":"2025-05-01T16:09:59","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3795"},"modified":"2025-05-01T16:09:59","modified_gmt":"2025-05-01T16:09:59","slug":"mw-xasan-sheekh-shaqaalaha-soomaaliyeed-waxa-ay-ku-suntanyihiin-hawl-karnimo-hufnaan-iyo-dhabar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3795","title":{"rendered":"MW xasan sheekh \u201cShaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar"},"content":{"rendered":"<p><strong>khamiis 01, May 2025 {CBB} <\/strong>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda Maalinta Shaqaalaha awgeed.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa ku amaanay shaqaalaha Soomaaliyeed dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca Qaranka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay mudan yihiin ammaan gaar ah maadaama ay yihiin laf-dhabarta horumarka bulshadeenna, isaga oo xusay in ansixinta Xeerka Shaqaalaha ee la cusbooneysiiyay sanadkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaallinta xuquuqda shaqaalaha.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, waxaana ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta dalka,\u201d sida uu yiri Madaxweynaha<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku booriyay dhammaan hay\u2019adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha, korna loo qaado xushmadda iyo xaq-dhowrka shaqo. Wuxuu Alle uga baryay naxariis waalidinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee naftooda u huray adeegga dalkooda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>khamiis 01, May 2025 {CBB} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda Maalinta Shaqaalaha awgeed. Madaxweynaha ayaa ku amaanay shaqaalaha Soomaaliyeed dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca Qaranka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay mudan yihiin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3796,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-3795","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3795","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3795"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3795\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3798,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3795\/revisions\/3798"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3796"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3795"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3795"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3795"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}