{"id":3912,"date":"2025-05-06T11:19:09","date_gmt":"2025-05-06T11:19:09","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3912"},"modified":"2025-05-08T11:21:09","modified_gmt":"2025-05-08T11:21:09","slug":"shirka-golaha-wadatashiga-qaranka-oo-goordhow-ka-furmay-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3912","title":{"rendered":"Shirka Golaha wadatashiga Qaranka oo goordhow ka furmay Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 06, May 2025 {CBB}<\/strong><span class=\"selectable-text copyable-text false\">Waxaa goordhow si rasmi ah uga furmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya shrike Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana ka qeybgalaya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad-goboleedyada.<\/span><\/p>\n<p class=\"selectable-text copyable-text x15bjb6t x1n2onr6\" dir=\"ltr\"><span class=\"selectable-text copyable-text false\">Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominaya shirka golaha wadatashiga Qaranka, halka Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), iyo hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ay ku sugan yihiin xarunta madaxtooyada Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><\/div>\n<p class=\"selectable-text copyable-text x15bjb6t x1n2onr6\" dir=\"ltr\"><span class=\"selectable-text copyable-text false\">Shirkan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimo muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed iyo amniga dalka, sida dib-u-eegista dastuurka, doorashooyinka dalka, iyo xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.<\/span><\/p>\n<p class=\"selectable-text copyable-text x15bjb6t x1n2onr6\" dir=\"ltr\"><span class=\"selectable-text copyable-text false\">Shirkan , ayaa waxa ka qeyb geli doonin madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana guul dareestay dedaalo beesha caalamka ku dooneysay in ay shirka ka qeyb galaan madaxda Puntland iyo Jubbaland.<\/span><\/p>\n<p dir=\"ltr\">Waa markii ugu horreysay ee uu shirkan Golaha Wadatashiga Qaranka si rasmi ah uga qeyb galo hoggaamiyaha SSC Khaatumo, arrintaas oo tilmaamaysa tallaabo horleh oo ku wajahan ka qaybgalka maamulkaas ee masraxa siyaasadda qaranka.<\/p>\n<p class=\"selectable-text copyable-text x15bjb6t x1n2onr6\" dir=\"ltr\"><span class=\"selectable-text copyable-text false\">Shirkan ayaa waxaa uu socon doonaa maalmo, iyadoona la filayo in madaxda ay warmurtiyeed ka soo saaraan shirkooda.<\/span><\/p>\n<p class=\"selectable-text copyable-text x15bjb6t x1n2onr6\" dir=\"ltr\"><strong><span class=\"selectable-text copyable-text false\">Waxii kasoo kordha shirka la soco.<\/span><\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 06, May 2025 {CBB}Waxaa goordhow si rasmi ah uga furmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya shrike Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana ka qeybgalaya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad-goboleedyada. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominaya shirka golaha wadatashiga Qaranka, halka Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Hirshabelle [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3913,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-3912","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3912","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3912"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3912\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3914,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3912\/revisions\/3914"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3913"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3912"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3912"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3912"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}