{"id":3918,"date":"2025-05-07T11:24:49","date_gmt":"2025-05-07T11:24:49","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3918"},"modified":"2025-05-08T11:27:10","modified_gmt":"2025-05-08T11:27:10","slug":"shirka-golaha-wadatashiga-qaranka-oo-galay-maalintiisii-labaad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3918","title":{"rendered":"Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo galay maalintiisii labaad"},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco 07, May 2025 {CBB}<\/strong>Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo maanta diiradda la saarayo qodobo xasaasi ah oo saameyn weyn ku leh mustaqbalka siyaasadeed, amni iyo dastuurka dalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Shirkan oo uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \">\n<p>&nbsp;<\/p>\n<div id=\"aswift_10_host\"><\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<\/div>\n<p>Qodobada laga doodi doono ayaa waxaa ka mid ah:-<\/p>\n<p>1. Dhammeystirka Dastuurka KMG ah \u2013 Madaxdu waxay ka doodi doonaan sidii loo dhammeystiri lahaa dastuurka si uu u noqdo mid rasmi ah oo sal u ah nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>2. Hannaanka Doorashooyinka \u2013 Waxaa si qoto dheer looga hadlayaa sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo mid ah, daahfuran, islamarkaana heshiis lagu hayay.<\/p>\n<p>3. Sugidda Amniga Qaranka \u2013 Madaxdu waxay falanqeyn doonaan in la xoojiyo iskaashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada si loo sugo amniga dalka, loogana hortago khataraha Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee nabadda caadeystay.<\/p>\n<p>4. Xoojinta Nidaamka Federaalka iyo Wadaagga Awoodaha \u2013 Waxaa laga doodi doonaa doorka dowlad goboleedyada ee ku aaddan maamulka khayraadka, awood qeybsiga, iyo xiriirka hay\u2019adaha dowliga ah si loo helo nidaam federaal oo shaqeynaya.<\/p>\n<p>Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in uu socdo ilaa laga gaarayo heshiisyo wax ku ool ah oo salka ku haya qodobada miiska saaran.<\/p>\n<p>Shirka ayaa waxaa ka maqan maamulada Puntland iyo Jubbaland.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco 07, May 2025 {CBB}Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo maanta diiradda la saarayo qodobo xasaasi ah oo saameyn weyn ku leh mustaqbalka siyaasadeed, amni iyo dastuurka dalka Soomaaliya. Shirkan oo uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda dowlad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3913,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-3918","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3918","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3918"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3918\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3920,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3918\/revisions\/3920"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3913"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3918"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3918"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3918"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}