{"id":3942,"date":"2025-05-08T11:55:52","date_gmt":"2025-05-08T11:55:52","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3942"},"modified":"2025-05-08T11:55:52","modified_gmt":"2025-05-08T11:55:52","slug":"mareykanka-oo-10-milyan-dul-dhigay-madaxa-cabdullahi-banati","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=3942","title":{"rendered":"Mareykanka oo $10 Milyan Dul Dhigay Madaxa Cabdullahi Banati"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 08, May 2025 {CBB}<\/strong>Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaacisay abaalmarin lacageed oo gaaraysa $10 milyan oo doolar, cid kasta oo keenta xog lagu qaban karo Cabdullahi Banati, oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab isla markaana uu door muhiim ah ku lahaa weerarkii lagu qaaday saldhigga milatari ee Manda Bay, Kenya, subaxnimadii hore ee 5-tii Janaayo 2020.<\/p>\n<p>Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay barnaamijka \u201cRewards for Justice\u201d ee Dowladda Mareykanka, Cabdullahi Banati ayaa lagu tuhunsan yahay inuu qorsheeyay ama ka qeyb qaatay abaabulka weerarkaasi, kaasoo sababay dhimashada saddex qof oo Mareykan ah \u2013 laba qandaraasle rayid ah iyo hal askari \u2013 iyo dhaawaca askari Kenyan ah. Weerarkaasi wuxuu sidoo kale sababay burbur xoog leh oo soo gaaray hantida ciidamada Mareykanka, oo ay ka mid yihiin diyaarado iyo qalab milatari.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><\/div>\n<p>Mareykanka ayaa sheegaya in qofkii keena xog sugan oo horseedi karta in la qabto ama la geeyo maxkamad Cabdullahi Banati, uu heli karo abaalmarinta lacageed ee gaareysa ilaa $10 milyan, iyadoo sidoo kale la siin karo fursad dib-u-dejin ah oo ammaan ah.<\/p>\n<p>Banati ayaa noqonaya shaqsigii labaad oo lagu raadjoogo si la mid ah, iyadoo horey abaalmarin lacageed oo lamid ah loo dul dhigay madax kale oo kooxda Al-Shabaab ah oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarkaasi.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 08, May 2025 {CBB}Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaacisay abaalmarin lacageed oo gaaraysa $10 milyan oo doolar, cid kasta oo keenta xog lagu qaban karo Cabdullahi Banati, oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab isla markaana uu door muhiim ah ku lahaa weerarkii lagu qaaday saldhigga milatari ee Manda Bay, Kenya, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":3943,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-3942","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3942","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=3942"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3942\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3944,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/3942\/revisions\/3944"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/3943"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=3942"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=3942"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=3942"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}