{"id":4057,"date":"2025-05-14T07:07:39","date_gmt":"2025-05-14T07:07:39","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=4057"},"modified":"2025-05-17T07:09:31","modified_gmt":"2025-05-17T07:09:31","slug":"dowladda-soomaaliya-oo-dadaal-ugu-jirto-in-lasoo-qabto-dadka-la-shaqeeya-magafayaasha-libya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=4057","title":{"rendered":"Dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirto in lasoo qabto dadka la shaqeeya Magafayaasha Libya"},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\"><strong>Arbaco, May 14, 2025 {CBB}-<\/strong>\u00a0Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay qaadayso tallaabooyin lagu soo qabanayo dadka Soomaaliyeed ee la shaqeeya kooxaha Magafayaasha ah, kuwaas oo ka qayb qaata tahriibinta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku wareejintooda kooxaha magafayaasha.Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa iskaashi caalami ah, ay diyaarisay hab sahlaya in la helo, oo lasoo qabto, laguna soo celiyo dalka dadkaasi, si maxkamadooda looga dhigo gudaha Soomaaliya.<\/p>\n<div class=\"inline-ad\">\n<div><\/div>\n<div id=\"1412x300x250x278x_ADSLOT567\">\n<div id=\"1412x300x250x278x_ADSLOT567_google\">\u201cWaxaa noo fududaanaysa in dadkeenna Soomaaliyeed ee ku sugan Suudaan, Libya, Algeria iyo Morocco oo dambiyo ka geystay Soomaaliya aan dalka kusoo celinno, iyadoo la adeegsanayo habraacyo sharciyeed oo fududaynaya xog uruurinta iyo caddeyntooda,\u201d ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div align=\"justify\">Sidoo kale, Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda si rasmi ah ugu biirtay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka dambiyada abaabulan ee caalamiga ah, taas oo ka dhigan in dowladda Soomaaliya ay heli doonto taageero iyo iskaashi caalami ah si loo soo qabto dambiilayaasha ku dhuumaaleysanaya\u00a0 dibadda.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Hadalka xeer ilaaliyaha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo uu aad u kordhay tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed oo naftooda ku biimaynaya sidii ay nolol ka wanaagsan dalkooda uga heli lahaayeen qurbaha.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku geeriyooday iyagoo doonayay inay ka gudbaan badda Mediterranean si ay u gaaraan Yurub. Sido kale kuwa badan ayaa lagu xiray xabsiyada Libya iyo Aljeeriya, kuwaas oo loo haysto madax furasho.<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco, May 14, 2025 {CBB}-\u00a0Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay qaadayso tallaabooyin lagu soo qabanayo dadka Soomaaliyeed ee la shaqeeya kooxaha Magafayaasha ah, kuwaas oo ka qayb qaata tahriibinta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku wareejintooda kooxaha magafayaasha.Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa iskaashi caalami ah, ay diyaarisay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":4058,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-4057","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4057","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=4057"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4057\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4059,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4057\/revisions\/4059"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/4058"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=4057"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=4057"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=4057"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}