{"id":4170,"date":"2025-05-22T09:05:27","date_gmt":"2025-05-22T09:05:27","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=4170"},"modified":"2025-05-22T09:05:27","modified_gmt":"2025-05-22T09:05:27","slug":"wafdi-ka-socda-dowladda-federaalka-soomaaliya-oo-booqasho-khibrad-wadaag-ku-tagay-dalka-turkiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=4170","title":{"rendered":"Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqasho khibrad wadaag ku tagay dalka turkiga"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis, 22, May 2025 {CBB}<\/strong>Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) waxaa ka qeyb ah Agaasimayaasha Warbaahinta ee Xafiisyada Madaxweynaha, Ra\u2019isul Wasaaraha, Wasaaradda Warfaafinta iyo Lataliyayaal sare dhinaca xiriirka Warbaahinta ah, wafdiga ayaa booqday xarumaha Telefishinka iyo Raadiyaha Turkiga, Wakaaladda Wararka ee Anadol Agency iyo Havelsan oo ka mid ah xarumaha soo saara, isla markaana horumariya qalabka Militariga, Difaaca iyo Tiknoolajiyadda.<\/p>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Xarunta Telefishinka iyo Raadiyaha Turkiga (TRT) waxaa wafdiga loogu soo bandhigay qaabka shaqada hay\u2019addan warbaahineed oo ka mid ah hay\u2019adaha ugu weyn Warbaahinta Caalamka. Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo xubnaha kale ee wafdiga ayaa booqday Istuudiyayaasha iyo xarumaha kaydka Telefishinka iyo Raadiyaha Turkiga.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Xarunta Havelsan ee Difaaca oo ay wafdigu booqdeen waxaa loogu soo bandhigay horumarka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda iyo kaalinta ay ka qaadanayso horumarinta difaaca dhulka, cirka iyo badda iyo sida Turkigu horumarka xowliga ah u sameynayo, maadaama uu yahay dalka ka mid ah saaxiibada ugu dhow ee Soomaaliya u taageera sida ugu dhow.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Xarunta Wakaaladda Wararka ee Anadol ayay sidoo kale wafdiga tageen, halkaas oo ay ugu bilaabatay aqoon isweydaarsi iyo khibrad wadaag soconaya laba maalmood oo diiradda saaraya sida loo diyaariyo, loona Maareeyo xiriiirka Warbaahinta ee xiliyada Doorashooyinka, Maareynta Xasaradaha iyo ka hortagga been abuurka iyo marin habaabinta.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Booqashada shaqo ee wafdigan heerka sare ah oo daaran khibrad wadaag xiriirka Warbaahinta iyo Dadweynaha ee labada dowladood ah, waxaa marti galiyay Agaasinka xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Turkiga, waxayna masuuliyiintaan booqa doonaan xarumo kale oo ay ku jirto xarunta Agaasinka.<\/p>\n<div class=\"td-post-content tagdiv-type\">\n<div class=\"sharedaddy sd-sharing-enabled\"><\/div>\n<\/div>\n<footer>\n<div class=\"td-post-source-tags\"><\/div>\n<div class=\"td-post-sharing-bottom\"><\/div>\n<\/footer>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis, 22, May 2025 {CBB}Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) waxaa ka qeyb ah Agaasimayaasha Warbaahinta ee Xafiisyada Madaxweynaha, Ra\u2019isul Wasaaraha, Wasaaradda Warfaafinta iyo Lataliyayaal sare dhinaca xiriirka Warbaahinta ah, wafdiga ayaa booqday xarumaha Telefishinka iyo Raadiyaha Turkiga, Wakaaladda Wararka ee Anadol Agency [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":4171,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-4170","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4170","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=4170"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4170\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4172,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4170\/revisions\/4172"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/4171"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=4170"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=4170"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=4170"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}