{"id":4397,"date":"2025-05-29T06:39:42","date_gmt":"2025-05-29T06:39:42","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=4397"},"modified":"2025-05-31T06:41:00","modified_gmt":"2025-05-31T06:41:00","slug":"maxaay-kawada-hadleen-aadan-madoowe-iyo-hogaamiye-firdhiye","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=4397","title":{"rendered":"Maxaay Kawada Hadleen Aadan Madoowe iyo Hogaamiye Firdhiye?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khaniis 29-May-2025 {CBB} \u2013<\/strong>Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulkaas.<\/p>\n<p>Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyay howlaha maamulka SSC-Khaatumo iyo shaqada uu u hayo bulshada ku nool deegaanadda maamulkaasi.<\/p>\n<p>\u201cGuddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn bogaadiyay dowlad goboleedka SSC-Khaatumo iyo shacabka deeganadaasi, ayaa kula dardaarmay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo howlaha uu haayo maamulkiisa iyo sidoo kale sida ay muhiim u tahay dhameystirka maamulkaasi,\u201d sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.<\/p>\n<p>Kulanka waxaa ka qeyb galay habdhowre ku-xigeenka golaha shacabka Xildhibaan Sahra Bundubte, xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khaniis 29-May-2025 {CBB} \u2013Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulkaas. Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyay howlaha maamulka SSC-Khaatumo iyo shaqada uu u hayo bulshada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":4398,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-4397","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4397","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=4397"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4397\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4399,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4397\/revisions\/4399"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/4398"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=4397"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=4397"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=4397"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}