{"id":4421,"date":"2025-05-29T06:52:13","date_gmt":"2025-05-29T06:52:13","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=4421"},"modified":"2025-05-31T06:54:40","modified_gmt":"2025-05-31T06:54:40","slug":"tahriibayaal-soomaali-ah-oo-ku-dhamaaday-badweynta-atlantic","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=4421","title":{"rendered":"Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhamaaday Badweynta Atlantic"},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 30, May 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Ugu yaraan 20 tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku dhintay Badweynta Atlantic. xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan halkaas iyaga oo ku sii jeeday magaaladda xeebeedda Palma ee dalka Spain<\/p>\n<p>Waxaana la badbaadiyay labo dhallinyaro ah oo kaliya ah sida ay sheegtay Warbaahinta dalka Spain.<\/p>\n<p>Doontan oo ay saarnaayeen in ka badan labaatameeyo qof oo ka soo jeeday Maamul Goboleedyada Puntland &amp; SSC Khatumo ayaa la helay, kadib markii ay badda ku jireen maalmo dhowr ah kuwaasoo ka cararay shaqo la\u2019aan baahsan iyo fursado la\u2019aan ka jirta dalkooda.<\/p>\n<p>Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u kordhay tahriibayaasha ka baxaya dalka Soomaaliya, taasoo ka dhalatay shaqo la\u2019aan baahsan, dhaqaale xumo iyo rajo la\u2019aan joogto ah oo dhalinyaradda Soomaaliyeed dalkooda ka muujiyeen.<\/p>\n<p>Dhacdadan murugadda leh ee maanta ka dhacday Badda Atlantic-ga ayaa waxa ay daba socotaa tii ugu dambaysay ee masiibadda ahayd ee billo ka hor ka dhacday biyaha Badweynta Hindiya gaar ahaan meel u dhow dalka Madagascar, halkaasoo ay ku dhinteen 24 tahriibayaal Soomaaliyeed ah<\/p>\n<div class=\"sharedaddy sd-sharing-enabled\">\n<div class=\"robots-nocontent sd-block sd-social sd-social-icon-text sd-sharing\">\n<h3 class=\"sd-title\"><\/h3>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 30, May 2025 {CBB}\u00a0Ugu yaraan 20 tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku dhintay Badweynta Atlantic. xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan halkaas iyaga oo ku sii jeeday magaaladda xeebeedda Palma ee dalka Spain Waxaana la badbaadiyay labo dhallinyaro ah oo kaliya ah sida ay sheegtay Warbaahinta dalka Spain. Doontan oo ay saarnaayeen in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":4422,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-4421","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4421","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=4421"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4421\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4423,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4421\/revisions\/4423"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/4422"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=4421"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=4421"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=4421"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}