{"id":459,"date":"2024-07-11T08:55:55","date_gmt":"2024-07-11T08:55:55","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=459"},"modified":"2024-07-11T08:55:55","modified_gmt":"2024-07-11T08:55:55","slug":"millatariga-israaiil-oo-amray-in-laga-baxo-magaalada-gaza","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=459","title":{"rendered":"Millatariga Israa\u2019iil oo amray in laga baxo Magaalada Gaza"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 11 july 2024 {CBB} GAZA \u2014 <\/strong>Millatariga Israa\u2019iil ayaa Arbacadi ku amray Falastiiniyiinta ku nool magaalada Gaza in ay isaga baxaan, isla markaana u barakacaan dhinaca waqooyi, xilli ay guluf xoog leh ka wadaan guud ahaan waqooyiga, koofurta iyo bartamaha Marinka Gaza.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay, in warqado ay hawada kasoo daadiyeen, ay Isra\u2019il ugu sheegtay dadka ku nool magaalada Gaza, in ay ka baxaan oo ay maraan laba dariiq oo ay ku sheegeen in ay nabad yihiin, kuwaas oo aadaya dhanka koofurta, gaar ahaan degmada Deyr Al-balax.<\/p>\n<p>Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa amarka daad-gureynta Israa\u2019iil ee guud ahaan magaalada Gaza ku tilmaamay mid keenaya \u201cdhibaato ballaaran\u201d.<\/p>\n<p>Duqeymo aanan kala go laheyn oo ay ciidamada Isra\u2019il saddexdi maalin ee lasoo dhaafay ku garaacayeen xaafado ka mid ah waqooyiga, iyo koofurta Gaza ayay saraakiisha caafimaadka sheegeen in tobnaan qof oo u badan dumar iyo carruur lagu dilay.<\/p>\n<p>Xoojinta dagaalka iyo duqeymaha ay ciidamada Isra\u2019il ka wadaan Marinka Gaza ayaa imaanaya, xilli dhex-dhexaadiyaasha ka socda Mareykanka, Masar iyo Qatar ay ay magaalada Doxa kula kulmeen saraakiil ka tirsan Isra\u2019il, oo ay kala hadleen suuragelinta heshiis xabbad-joojin oo ka dhaqan gala Gaza.<\/p>\n<p>Tan iyo bishi October, saraakiisha Falastiniyiinta ayaa sheegay in Isra\u2019il ay Gaza ku dishay in ka badan 38,000 oo Falastiinyiiin ah oo u badan dumar iyo carruur.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 11 july 2024 {CBB} GAZA \u2014 Millatariga Israa\u2019iil ayaa Arbacadi ku amray Falastiiniyiinta ku nool magaalada Gaza in ay isaga baxaan, isla markaana u barakacaan dhinaca waqooyi, xilli ay guluf xoog leh ka wadaan guud ahaan waqooyiga, koofurta iyo bartamaha Marinka Gaza. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay, in warqado ay hawada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":460,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27],"tags":[],"class_list":["post-459","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/459","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=459"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/459\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":461,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/459\/revisions\/461"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/460"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=459"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=459"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=459"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}