{"id":4603,"date":"2025-06-13T07:20:40","date_gmt":"2025-06-13T07:20:40","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=4603"},"modified":"2025-06-14T07:22:36","modified_gmt":"2025-06-14T07:22:36","slug":"mucaaradka-oo-ka-horyimid-goaanka-ay-df-ku-dhaliishay-beesha-caalamka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=4603","title":{"rendered":"Mucaaradka oo ka horyimid go\u2019aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka"},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 13, June ,2025\u00a0 {CBB} <\/strong>Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka soo xukumay ayaa si weyn uga walaacsan go\u2019aan ay sheegeen inuu yahay hal dhinac oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku joojisay qaab-dhismeedka iskaashiga caalamiga ah.<\/p>\n<p>Arrintan ayay ku sheegeen in si weyn u dhaawacayso iskaashiga wax ku oolka ah ee dhinacyada gudaha iyo dibadda, taasoo ka tarjumeysa go\u2019doon siyaasadeed oo sii xoogeysanaya iyo fashilka dowladda ee ku saabsan wada shaqeynta qaran iyo midda caalami.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-8756589205009556\" data-ad-slot=\"1002323234\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_8_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Qoraalka ay soo saareen Mucaaradka ayaa waxaa ay Madaxweyne Xasan Sheekh lagu eedeeyay inuu qaaday tallaabooyin siyaasad khatar ku ah hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin xadgudubka xuquuqda axsaabta siyaasadeed, adeegsiga awood ciidan si aan sharciga waafaqsanayn, kordhinta saamaynta sharci-dejinta ee Baarlamaanka, caburinta warbaahinta madax-bannaan, iyo kala fogaanshaha xulafada beesha caalamka.<\/p>\n<p>\u201cMadasha Samatabixinta Sooomaaliyeed waxay si qoto dheer u fahamsan tahay caqabadaha waaweyn ee horyaalla Soomaaliya, sida khatarta kooxda Al-Shabaab, qalalaasaha siyaasadeed, iyo xaaladaha bini\u2019aadantinimo ee isdaba joogga ah. Waxay aaminsan tahay in xal waara oo arrimahan looga gudbo uu ku xiranyahay iskaashi ballaaran, wada-tashi qaran oo dhab ah, iyo taageero caalami ah oo mideysan.\u201d Ayaa lagu yiri qoraalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 13, June ,2025\u00a0 {CBB} Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka soo xukumay ayaa si weyn uga walaacsan go\u2019aan ay sheegeen inuu yahay hal dhinac oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku joojisay qaab-dhismeedka iskaashiga caalamiga ah. Arrintan ayay ku sheegeen in si weyn u dhaawacayso iskaashiga wax ku oolka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":4604,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-4603","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4603","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=4603"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4603\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4605,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4603\/revisions\/4605"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/4604"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=4603"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=4603"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=4603"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}