{"id":4914,"date":"2025-06-26T12:13:23","date_gmt":"2025-06-26T12:13:23","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=4914"},"modified":"2025-06-26T12:13:23","modified_gmt":"2025-06-26T12:13:23","slug":"mw-xasan-sheekh-oo-garawshiyo-ka-bixiyay-wixii-ku-dhacay-dadka-gobolada-waqooyi-ee-soomaaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=4914","title":{"rendered":"MW Xasan Sheekh oo garawshiyo ka bixiyay wixii ku dhacay dadka Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland."},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 26 june 2025 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxda Dowladda kala qeybgalay munaasabadda bilowga Todobaadka Xoriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 65-aad ee miro-dhalka halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay halyeeyadii gobollada waqooyi ee horseeday xoreynta iyo midnimada, isagoo sheegay in bulshadaas ay door wanaagsan ka qaateen garashada in xorriyaddu aysan ahayn oo kaliya ka tagista gumeystaha, balse ay ka dhigan tahay xaqiijinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><\/div>\n<p>\u201cHalyeeyadaasi waxay na dhaxalsiiyeen xorriyad iyo midnimo isku sidkan oo ay wax badan ugu hureen si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo taabbo gal ah. Taariikhda mar walba way xusi doontaa doorkooda\u201d.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhaawacyo siyaasadeed ay soo gaareen dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo salka ku hayay kalitalisnimo, ku-tagrifal awoodeed iyo maamul-xumo, waxa uuna muujiyay garawsho la xiriirta wixii dhacay taariikh ahaan, isagoo adkeeyay sida ay lagama-maarmaan u tahay in mar kale la hello midnimo dhab ah.<\/p>\n<p>\u201cWaan aaminsanahay in xornimadeenna aysan kaamil noqon doonin ilaa aan mar kale mideyno qalbigeenna iyo qaddiyaddeenna. Jidka kaliya ee aan u marayno waa wada-hadal iyo walaaltinimo\u201d.<\/p>\n<p>Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa intaasi hadalkiisa sii raaciyay \u201c\u201dWaa in aynu wada garowsannaa wixii dhacay, kana faa\u2019iidaysannaa casharradii hore si aan u dhisno dowladnimo hufan, midnimo qaran, iyo mustaqbal aan uga tagno jiilasha soo socda,\u201d<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Madaxweynaha\u00a0 ayaa bogaadiyay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, waxa ku baaqay in la sii xoojiyo dadaallada lagu gaari karo nabad, barwaaqo iyo is-afgarad waara.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 26 june 2025 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxda Dowladda kala qeybgalay munaasabadda bilowga Todobaadka Xoriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 65-aad ee miro-dhalka halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay halyeeyadii gobollada waqooyi ee horseeday xoreynta iyo midnimada, isagoo sheegay in bulshadaas ay door wanaagsan ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":4915,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-4914","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4914","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=4914"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4914\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4916,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/4914\/revisions\/4916"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/4915"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=4914"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=4914"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=4914"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}