{"id":5120,"date":"2025-07-02T14:25:37","date_gmt":"2025-07-02T14:25:37","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5120"},"modified":"2025-07-02T14:25:37","modified_gmt":"2025-07-02T14:25:37","slug":"soomaaliya-oo-hirgelisay-nidaam-cusub-oo-lagu-sugayo-amniga-xuduudaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5120","title":{"rendered":"Soomaaliya oo Hirgelisay Nidaam Cusub oo lagu Sugayo Amniga Xuduudaha"},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco, 02 Jully 2025 {CBB}<\/strong>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaam cusub oo biometric ah oo lagu sugo amniga xuduudaha, si wax looga qabto tahriibka dadka, laga yareeyo socdaalka sharci darrada ah, loogana hortago khataraha amni ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Nidaamkan waxaa taageeraya Dowladda Mareykanka.<\/p>\n<p>Hirgelinta nidaamkan ayaa ka dambeysay tababar afar maalmood socday oo ka dhacay Muqdisho, halkaas oo khubaro Mareykan ah ay ku barayeen saraakiisha socdaalka Soomaaliyeed isticmaalka nidaamka PISCES (Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System) \u2013 oo ah barnaamij biometric ah oo ay horumarisay Dowladda Mareykanka, loogana faa\u2019iideysto meelaha ugu waaweyn ee laga soo galo dalka.<\/p>\n<p>Nidaamkan ayaa u oggolaanaya hay\u2019adaha socdaalka Soomaaliyeed in ay si toos ah uga fiiriyaan liisaska digniinta caalamiga ah, ay ogaadaan aqoonsiyada been-abuurka ah, ayna la socdaan dhaqdhaqaaqyada dadka looga shakisan yahay.<\/p>\n<p>Mustaf Dhuxullow, Agaasimaha Guud ee Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sheegay:<br \/>\n\u201cArrintan kaliya maaha horumarin tiknoolaji, waa tallaabo lagu difaacayo dadkeena laguna dhisayo kalsoonida shacabka.\u201d<\/p>\n<p>Tababarka waxaa fududeeyay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay soo saartay baasaboorka cusub ee jiilka saddexaad oo wata chip-yo biometric ah iyo nidaamyo adag oo ka hortagaya been-abuurka, si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah. Tani waxay siineysaa muwaadiniinta aqoonsi sugan waxayna xaddideysaa adeegsigii sharci darrada ahaa ee shabakadaha dambiyada.<\/p>\n<p>Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa si dhow ula shaqeysay Hay\u2019adda Socdaalka Soomaaliya iyo hay\u2019adaha amniga Mareykanka si loo xaqiijiyo hirgelinta guuleysata ee nidaamyadan cusub<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco, 02 Jully 2025 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaam cusub oo biometric ah oo lagu sugo amniga xuduudaha, si wax looga qabto tahriibka dadka, laga yareeyo socdaalka sharci darrada ah, loogana hortago khataraha amni ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Nidaamkan waxaa taageeraya Dowladda Mareykanka. Hirgelinta nidaamkan ayaa ka dambeysay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":5121,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-5120","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5120","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5120"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5120\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5122,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5120\/revisions\/5122"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5121"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5120"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5120"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5120"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}