{"id":5189,"date":"2025-07-05T10:29:54","date_gmt":"2025-07-05T10:29:54","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5189"},"modified":"2025-07-05T10:29:54","modified_gmt":"2025-07-05T10:29:54","slug":"wasiir-fiqi-oo-dhaliilay-ganacsato-weli-dhaqaale-siiya-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5189","title":{"rendered":"Wasiir Fiqi oo dhaliilay ganacsato weli dhaqaale siiya Al-Shabaab."},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti, 05Jully 2025 {CBB}<\/strong>Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa si kulul u dhaliilay ganacsato Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay si toos ah ama dadban u taageeraan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><\/div>\n<p>Wasiir Fiqi\u00a0 ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay horay u xirtay agabyo badan oo kooxdaasi isticmaali jirtay, sida qalabka isgaarsiinta iyo badeecooyin gaar ah oo loo adeegsan jiray weerarada.<\/p>\n<p>Wuxuu carabka ku adkeeyay in wali ay jiraan ganacsato si ula kac ah u maalgeliya kooxda, taasoo uu ku tilmaamay khatar weyn oo amniyeed.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201cWaa wax laga xumaado in ganacsato Soomaaliyeed ay lacago u geeyaan Al-Shabaab, xilli ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii looga adkaan lahaa kooxdan,\u201d ayuu yiri Wasiir Fiqi.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiirku wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda ay diyaarinayso qorshe sharciyeed adag oo lagula xisaabtami doono cid kasta oo xiriir la leh kooxda Al-Shabaab. Wuxuu carabka ku dhuftay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono ganacsatada lagu helo taageerada argagixisada.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ugu dambeyn ugu baaqday dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed inay ka fogaadaan fal kasta oo gacan siinaya kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti, 05Jully 2025 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa si kulul u dhaliilay ganacsato Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay si toos ah ama dadban u taageeraan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. &nbsp; Wasiir Fiqi\u00a0 ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay horay u xirtay agabyo badan oo kooxdaasi isticmaali jirtay, sida qalabka isgaarsiinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":5190,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-5189","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5189","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5189"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5189\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5191,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5189\/revisions\/5191"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5190"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5189"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5189"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5189"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}