{"id":5213,"date":"2025-07-07T08:51:19","date_gmt":"2025-07-07T08:51:19","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5213"},"modified":"2025-07-07T08:51:19","modified_gmt":"2025-07-07T08:51:19","slug":"maamulka-ssc-khaatumo-oo-shacabka-gobolka-sanaag-ugu-baaqay-in-ay-ku-soo-biiraan-dowlad-goboleedka-cusub","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5213","title":{"rendered":"Maamulka SSC Khaatumo oo shacabka gobolka Sanaag ugu baaqay in ay ku soo biiraan dowlad goboleedka cusub\u201d"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 07 Jully 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa war-murtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in ay si buuxda u taageerayso qorshaha dowladda federaalka ee la xiriira shirweynaha lagu dhammeystirayo dhismaha dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo.<\/p>\n<p>Wasaaraddu waxay tilmaantay in qorshahani uu waafaqsan yahay dastuurka dalka, gaar ahaan qodobbada khuseeya maamulka dhiska, ilaalinta midnimada, iyo horumarinta siyaasadda guud ee dalka.<\/p>\n<p>Waxa ay sidoo kale carabka ku dhufatay in shirweynahan uu yahay fursad lagu xoojinayo wadajirka bulshada dega gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.<\/p>\n<p>Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan bulshada SSC-Khaatumo &amp; Maakhir in ay si mideysan uga qaybgalaan shirweynaha, kana shaqeeyaan xoojinta wada-tashiga iyo isu-tanaasulka si loo dhiso hay\u2019ad dowladeed oo matasha rabitaanka shacabka.<\/p>\n<p>Wasaaraddu waxay sheegtay in guddiyo farsamo oo isugu jira heer federaal iyo heer goboleed ay hagi doonaan habraaca shirweynaha si uu u noqdo mid miro-dhal ah oo lagu dhammeystiro dhismaha dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo.<\/p>\n<p>Hadalka SSC Khaatumo ayaa ku soo aadaya xilli dhaqdhaaqyo ay ciidamada Puntland ka wadaan gobolka Sanaag, kuwaasi oo diidan dhismaha dardar galinta howlaha dhismaha maamulka SSC Khaatumo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 07 Jully 2025 {CBB}\u00a0Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa war-murtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in ay si buuxda u taageerayso qorshaha dowladda federaalka ee la xiriira shirweynaha lagu dhammeystirayo dhismaha dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo. Wasaaraddu waxay tilmaantay in qorshahani uu waafaqsan yahay dastuurka dalka, gaar ahaan qodobbada khuseeya maamulka dhiska, ilaalinta midnimada, iyo horumarinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":5214,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-5213","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5213","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5213"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5213\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5215,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5213\/revisions\/5215"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5214"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5213"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5213"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5213"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}