{"id":5371,"date":"2025-07-17T07:42:24","date_gmt":"2025-07-17T07:42:24","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5371"},"modified":"2025-07-17T07:42:24","modified_gmt":"2025-07-17T07:42:24","slug":"wafdi-ka-socda-dfs-oo-shir-uga-qaybgalaya-algeria","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5371","title":{"rendered":"Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria."},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis, 17 Jully 2025 {CBB}<\/strong><\/p>\n<p>Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirka Sanadlaha ah ee 44-aad ee Guriyeynta Afrika (44th Annual General Meeting of Shelter Afrique), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria.<\/p>\n<p>Wasiir Xayd iyo wafdigiisa waxay shirkan ku metelayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Hawlaha Guud, iyaga oo ka qeyb qaadan doona wada-tashiyo muhiim ah oo la xiriira ajandayaasha shirka.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><\/div>\n<p>Inta uu socdo shirku, oo ah muddo afar maalmood ah, waxaa lagu falanqeyn doonaa arrimo ay kamid yihiin: sidii loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta qalabka dhismaha ee laga keeno dibadda qaaradda Afrika, iyo sidii wada-shaqeyn iyo iskaashi ballaaran looga yeelan lahaa hirgelinta mashaariicda guriyeynta ee laga fulinayo dalalka Afrika, oo ay Soomaaliya kamid tahay, shanta sano ee soo socota.<\/p>\n<p>Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran waxaa u soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Howlaha Guud ee Dalka Aljeeriya Iyo Danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego).<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis, 17 Jully 2025 {CBB} Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirka Sanadlaha ah ee 44-aad ee Guriyeynta Afrika (44th Annual General Meeting of Shelter Afrique), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria. Wasiir Xayd iyo wafdigiisa waxay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":5372,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-5371","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5371","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5371"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5371\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5373,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5371\/revisions\/5373"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5372"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5371"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5371"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5371"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}