{"id":5486,"date":"2025-07-31T12:38:32","date_gmt":"2025-07-31T12:38:32","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5486"},"modified":"2025-07-31T12:38:32","modified_gmt":"2025-07-31T12:38:32","slug":"golaha-wasiirrada-oo-ka-hadlay-xiisadda-ka-taagan-degmada-balad-xaawo-ee-gobolka-gedo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5486","title":{"rendered":"Golaha Wasiirrada oo ka hadlay xiisadda ka taagan degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis\u00a0 31 July 2025{RC}<\/strong>Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda ayaa ka\u00a0 hadlay xiisadda maalmihii u dambeeyay ka taagnayd magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.<\/p>\n<p>Golaha ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey Ciidanka dowladda masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen intii lagu guda jiray xaaladda amni ee degmadaas. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay shirka.<\/p>\n<p>Sidoo kale, golaha ayaa ammaan u jeediyey qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka sida ay u garab taagan yihiin dowladnimada iyo dadaallada lagu sugayo nabadda iyo xasilloonida.<\/p>\n<p>Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka ee Nidaamka Maareynta Maaliyadda iyo Xisaab-xirka sanadeedka 2024.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, kulanka oo uu guddoomiyey Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,\u00a0 Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu adkeeyey in cid kasta oo carqalad ku ah nabadda iyo deganaanshaha ay si toos ah uga hor imanayso dagaalka Al-Shabaab.<\/p>\n<div class=\"html-div xdj266r x14z9mp xat24cr x1lziwak xexx8yu xyri2b x18d9i69 x1c1uobl\">\n<div class=\"html-div xdj266r x14z9mp xat24cr x1lziwak xexx8yu xyri2b x18d9i69 x1c1uobl\" dir=\"auto\">\n<div class=\"html-div xdj266r x14z9mp xat24cr x1lziwak xexx8yu xyri2b x18d9i69 x1c1uobl\" data-ad-rendering-role=\"story_message\">\n<div id=\"_r_jr_\" class=\"x1l90r2v x1iorvi4 x1g0dm76 xpdmqnj\" data-ad-comet-preview=\"message\" data-ad-preview=\"message\">\n<div class=\"x78zum5 xdt5ytf xz62fqu x16ldp7u\">\n<div class=\"xu06os2 x1ok221b\">\n<div class=\"html-div xdj266r x14z9mp xat24cr x1lziwak xexx8yu xyri2b x18d9i69 x1c1uobl\">\n<div class=\"xdj266r x14z9mp xat24cr x1lziwak x1vvkbs x126k92a\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis\u00a0 31 July 2025{RC}Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda ayaa ka\u00a0 hadlay xiisadda maalmihii u dambeeyay ka taagnayd magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo. Golaha ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey Ciidanka dowladda masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen intii lagu guda jiray xaaladda amni ee degmadaas. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":5487,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-5486","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5486","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5486"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5486\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5488,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5486\/revisions\/5488"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5487"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5486"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5486"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5486"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}