{"id":5618,"date":"2025-08-13T10:27:28","date_gmt":"2025-08-13T10:27:28","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5618"},"modified":"2025-08-13T10:27:28","modified_gmt":"2025-08-13T10:27:28","slug":"df-oo-loo-ansixiyay-dhaqaale-loogu-deeqay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5618","title":{"rendered":"DF oo loo ansixiyay dhaqaale loogu deeqay."},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco 13, Aug 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0\u00a0Guddiga Maamulka Sare ee Bangiga Adduunka ayaa oggolaaday maalgelin labaad oo Soomaaliya loogu talagalay taageerada siyaasadaha horumarinta, taas oo lagu bixinayo deeq dhan $125 milyan, iyadoo ay bixineyso Hay\u2019adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA).<\/p>\n<p>Sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay bogga wararka ee \u201cLarolav\u201d, tallaabadan cusub ayaa ah wejiga labaad iyo kan ugu dambeeya ee barnaamij loogu talagalay kor u qaadidda adkeysiga dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo la taageerayo maamul wanaagga maaliyadda guud, iyo sidoo kale horumar waara oo loo sameeyo qaybta gaarka loo leeyahay.<\/p>\n<p>Qaybtii hore ee maalgelintan oo ahayd isla $125 milyan ayaa la meel mariyay sanadkii 2024.<\/p>\n<p>Maalgelintan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa, Xoojinta xasilloonida maaliyadeed ee dowladda, iyada oo loo marayo kordhinta dakhliga canshuuraha, iyo kor u qaadista hufnaanta iyo waxtarka kharashaadka dowladda.<\/p>\n<p>Sidoo kale Yaraynta ku tiirsanaanta gargaarka caalamiga ah, Maalgelinta tamarta la cusboonaysiin karo, si loo ballaariyo helitaanka koronto, iyadoo la hiigsanayo in la gaaro awood wax-soo-saar koronto oo dhan 50 megawatt dhammaadka sanadkan 2026.<\/p>\n<p>Dhinaca horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, barnaamijku wuxuu xoogga saarayaa, Horumarinta maalgelinta yar-yar (microfinance), Abuurista hannaan caymis oo looga hortago abaaraha iyo Dhiirrigelinta maalgelinta qaybta kalluumeysiga, si loo kordhiyo dhoofinta badeecooyinka badda.<\/p>\n<p>Dhammaan dadaalladan waxay qeyb ka yihiin iskaashiga Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya ee lagu dejiyay qorshaha sanadaha 2024 ilaa 2028, waxaana la fulinayaa iyada oo lala kaashanayo la-hawlgalayaasha horumarka caalamiga ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco 13, Aug 2025 {CBB}\u00a0\u00a0Guddiga Maamulka Sare ee Bangiga Adduunka ayaa oggolaaday maalgelin labaad oo Soomaaliya loogu talagalay taageerada siyaasadaha horumarinta, taas oo lagu bixinayo deeq dhan $125 milyan, iyadoo ay bixineyso Hay\u2019adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA). Sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay bogga wararka ee \u201cLarolav\u201d, tallaabadan cusub ayaa ah wejiga labaad iyo kan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":5619,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-5618","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5618","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5618"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5618\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5621,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5618\/revisions\/5621"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5619"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5618"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5618"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5618"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}