{"id":5763,"date":"2025-08-21T06:42:00","date_gmt":"2025-08-21T06:42:00","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5763"},"modified":"2025-08-22T06:45:04","modified_gmt":"2025-08-22T06:45:04","slug":"madaxweynaha-soomaaliya-oo-sheegay-in-mucaaradka-dowladda-aysan-lahayn-aragti-mideysan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5763","title":{"rendered":"Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Mucaaradka Dowladda aysan lahayn aragti mideysan."},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis, 21 Aug 2025 {CBB} <\/strong>Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo si gaar ah u dul istaagay aragtidiisa ku aaddan mucaaradka iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo ku sugan magaalada Dhusamareb, ayaa tilmaamay baahida loo qabo in dalka uu yeesho nidaam siyaasadeed oqaan-gaadhr ah, islamarkaana lagu dhiso axsaab siyaasadeed oo leh aragti cad.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in mucaaradka hadda jira aysan ahayn koox mideysan oo leh aragti horumarineed oo qaran, Isagoo tusaale u soo qaatay xilligii uu isagu mucaaradka ka tirsanaa 2022, wuxuu sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo mucaaradkii markaa iyo midka hadda.<\/p>\n<p>\u201cMucaaradkii aan ka tirsanaa 2022 iyo kan maanta jira waa laba kala duwan Ma jiro wax aragti mideysa, Qof walba jiho gaar ah ayuu u socdaa, taasina horumar ma kkeento\u201d ayuu yiri Madaxweynaha.<\/p>\n<p>Madaxweynaha wuxuu si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lasoo gabagabeeyo dastuurka dalka, taasoo ah ballan uu hore u qaadag xilligii doorashada, Sidoo kale, wuxuu mar kale caddeeyey in dowladda ay ka go\u2019an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah:<\/p>\n<p>\u201cWaa in aan ka gudubnaa caqabadaha hadda taagan, sida dhamaystirka dastuurka iyo in awoodda dib loogu celiyo shacabka.\u201d<\/p>\n<p>Hadalkan ayaa u muuqda mid uu Madaxweynaha uga jawaabayo walaac ay mucaaradku ka muujiyeen sida ay wax u socdaan, gaar ahaan dhanka diyaarinta doorashada qof iyo cod ah.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay in laga gudbo siyaasadda ku dhisan shaqsiyaadka kaliya, lagana guuro nidaam ku dhisan dano gaar ah.<\/p>\n<p>\u201cWaa in aan ka guurno siyaasadda ay dadka keliya iska wataan, oo aan dhisno axsaab siyaasadeed oo ku dhisan mabda\u2019 iyo aragti cad.\u201d Ayuu yiri Xasan Sheekh<\/p>\n<p>Wuxuu intaas ku daray in nidaamka axsaabta dhabta ah uu horseedi karo isbeddel siyaasadeed iyo mid bulsho oo waara.<\/p>\n<p>Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli kala aragti duwanaansho weyn ay ka taagan tahay jihada uu dalka u socdo, gaar ahaan dhanka siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka, Inkastoo mucaaradku ay weli walaac ka qabaan arrimo ay kamid yihiin daahfurnaanta iyo fulinta ballanqaadyada dowladda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis, 21 Aug 2025 {CBB} Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo si gaar ah u dul istaagay aragtidiisa ku aaddan mucaaradka iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka. Madaxweynaha oo ku sugan magaalada Dhusamareb, ayaa tilmaamay baahida loo qabo in dalka uu yeesho nidaam siyaasadeed oqaan-gaadhr [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":5764,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-5763","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5763","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5763"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5763\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5765,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5763\/revisions\/5765"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5764"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5763"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5763"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5763"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}