{"id":5827,"date":"2025-08-23T15:02:25","date_gmt":"2025-08-23T15:02:25","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5827"},"modified":"2025-08-23T15:02:25","modified_gmt":"2025-08-23T15:02:25","slug":"madaxweynaha-soomaaliya-oo-u-hambalyay-gudoomiyaha-cusub-ee-barlaaamnka-waqooyi-bari","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5827","title":{"rendered":"Madaxweynaha Soomaaliya oo u Hambalyay Gudoomiyaha Cusub ee Barlaaamnka Waqooyi Bari."},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti, 23 Aug 2025 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashadan ay muujineyso tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha dowladnimada iyo hay\u2019adaha kala duwan ee ka shaqeeya danta shacabka iyo horumarinta deegaanka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan Guddoomiyaha cusub u rajaynayaa in Alle u fududeeyo mas\u2019uuliyadda culus ee loo igmaday, anigoo aaminsan in uu door muuqda ka qaadan doono xaqiijinta dowlad-dhiska, dhammaystirka geeddi-socodka doorashada iyo ilaalinta sharciga\u201d.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey xildhibaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, waxa uuna u rajeeyey in Alle ku guuleeyo shaqada harsan ee doorashada iyo dowladnimada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti, 23 Aug 2025 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashadan ay muujineyso tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha dowladnimada iyo hay\u2019adaha kala duwan ee ka shaqeeya danta shacabka iyo horumarinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":5828,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-5827","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5827","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5827"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5827\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5829,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5827\/revisions\/5829"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5828"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5827"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5827"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5827"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}