{"id":5900,"date":"2025-08-26T07:56:11","date_gmt":"2025-08-26T07:56:11","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5900"},"modified":"2025-08-27T07:58:06","modified_gmt":"2025-08-27T07:58:06","slug":"madaxweyne-cirro-oo-la-kulmay-sandra-lattouf-iyo-wafdi-la-socday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5900","title":{"rendered":"Madaxweyne Cirro oo la kulmay Sandra Lattouf iyo wafdi la socday?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado, 26 Aug 2025 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah la qaatay madaxda Hay\u2019adda \u2019adda UNICEF ee Qaramada Midoobay, Marwo Sandra Lattouf oo ay wehelinayeen masuuliyiin aqoon sare leh oo ka hawl-gala Xafiiska UNICEF ee Somaliland.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaadhin lahaa, loona tayeyn lahaa Mashaariicda Horumarineed iyo adeegyada aasaasiga ah ee ay Hay\u2019adda UNICEF ka fuliso Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Waxbarashada, Biyaha. Caafimaadka iyo horumarinta carruurta.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada shaqayn hufan oo dhex marta Xukuumadda iyo Hay\u2019adaha Caalamiga ah, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Mashaariicda laga hirgelinayo Somaliland ay noqdaan kuwo si toos ah u taabanaya baahiyaha dhabta ah ee bulshada JSL, isla markaana loo qorsheeyo si waafaqsan arrimaha mudnaanta u leh Qaranka JSL.<\/p>\n<p>Iyaduna dhankeeda, Wakiilka UNICEF Marwo Sandra Lattouf ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad naqday kulankiisa, isla markaana ku bogaadisay hoggaamintiisa quman.<\/p>\n<p>Intii lagu guda jiray kulanka, Wakiilka UNICEF waxa ay si cad u sheegtay in Hay\u2019adda UNICEF ay tahay mid ay Somaliland ku kalsoonaan karto isuna hallayn karto. Waxa ay ka mahad celisay sida wanaagsan ee ay Hay\u2019adaha Xukuumadda Somaliland ula shaqeeyaan Hay\u2019adaha Caalamiga ah, waxana ay ballan qaaday in ay sii xoojin doonaan taageerada dhinacyada horumarinta bulshada iyo daryeelka carruurta.<\/p>\n<p>Wakiilka Hay\u2019adda UNICEF waxa kale oo ay hoosta ka xarriiqday in ka Hay\u2019ad ahaan ay si wadajir ah ula shaqaynayaan Hay\u2019adaha Dowladda Somaliland, bulshada iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay; si loo hubiyo in ilmo kasta oo carruur ahi uu adeeg tayo leh iyo mustaqbal ka wanaagsan.<br \/>\nKulanka ayaa ku soo gabagaboobay isfaham iyo in labada dhinac ay sii xoojiyaan wada shaqaynta.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado, 26 Aug 2025 {CBB}Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah la qaatay madaxda Hay\u2019adda \u2019adda UNICEF ee Qaramada Midoobay, Marwo Sandra Lattouf oo ay wehelinayeen masuuliyiin aqoon sare leh oo ka hawl-gala Xafiiska UNICEF ee Somaliland. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaadhin lahaa, loona tayeyn lahaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":5901,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-5900","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5900","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5900"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5900\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5902,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5900\/revisions\/5902"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5901"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5900"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5900"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5900"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}