{"id":5909,"date":"2025-08-27T08:03:24","date_gmt":"2025-08-27T08:03:24","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5909"},"modified":"2025-08-27T08:03:24","modified_gmt":"2025-08-27T08:03:24","slug":"nisa-oo-sheegtay-in-horjoogayaal-iyo-maleeshiyaadkooda-ku-dishay-galgaduud-iyo-hiiraan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5909","title":{"rendered":"NISA oo sheegtay in horjoogayaal iyo maleeshiyaadkooda ku dishay Galgaduud iyo Hiiraan."},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco, 27 Aug 2025 {CBB}<\/strong>Taliska Hay\u2019adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegay in duqeymo qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka saaxiibada caalamiga ah iyo hay\u2019addu ay ka dhaceen gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta Al-shabaab.<\/p>\n<p>Duqeyntii ugu horreysay ayaa ka dhacday deegaanka Xaawo Gadiid ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si toos ah loo weeraray guri ay ku sugnaayeen xubno sare oo ka tirsan khawaarijta. Howlgalkan waxaa lagu dilay laba horjooge oo lagu kala magacaabi jiray Cumar Faaruuq iyo Cabdirisaaq, waxaana sidoo kale la laayay maleeshiyaad ilaalada u ahaa.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><\/div>\n<p>Weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud, waxaana lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen xubno ka tirsan Al-shabaab, kaas oo ku sii jeeday inay ku qaadaan weerarro qaraxyo ah. Gaarigaasi ayaa gabi ahaanba la burburiyay, iyadoo la xaqiijiyay in ay ku jireen saanad ciidan iyo walxaha qarxa.<\/p>\n<p>NISA ayaa baahisay muuqaal muujinaya sida ay u dhaceen howlgaladan qorsheysan, kuwaas oo lagu xaqiijiyay dilka horjoogayaasha iyo maleeshiyaadkii la socday, isla markaana lagu burburiyay hub iyo qaraxyo ay khawaarijtu ugu talagaleen shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda NISA ayaa ku celisay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah khawaarijta si loo xaqiijiyo ammaanka shacabka iyo badbaadada dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco, 27 Aug 2025 {CBB}Taliska Hay\u2019adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegay in duqeymo qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka saaxiibada caalamiga ah iyo hay\u2019addu ay ka dhaceen gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta Al-shabaab. Duqeyntii ugu horreysay ayaa ka dhacday deegaanka Xaawo Gadiid ee gobolka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":5910,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-5909","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5909","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5909"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5909\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5911,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5909\/revisions\/5911"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5910"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5909"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5909"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5909"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}